Ciidamada Israel ayaa burburiyay guri la deganaa oo ku yaala Wadi Burqin ee duleedka Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo Khamiistii lagu dilay laba nin oo Falastiiniyiin ahaa.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen labadaasi nin, ka dib markii ay iska caabin kala horyimaadeen.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay burburiyeen gurigaasi, ka dib markii ay goobta ka qaadeen meydadka labadaasi nin.
Militariga Israel ayaa sheegay in labaduba ay ka tirsanaayeen Xoogaga Islamic Jihaad, oo ka mid ah ururada hubeysan ee halganka ugu jira xorriyadda Falastiin.
Muuqaalada goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya Ciidamada Israel inay hoygaasi ku dul dumiyeen, wixii agab ahaa ee yiilay.
Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Muhammad Abu Al Asaad iyo Qutaiba Al Shalabi ay dhowr saacadood la dagaalamayeen Ciidamada Israel ee Talaadadii hawlgalka ka bilaabay Magaalada Jenin iyo nawaaxigeeda.
Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay dhismaha la burburiyay, oo aysan awoodi doonin in ay dib dambe u dhistaan, illaa iyo inta uu halkaasi ka jiro nidaamka gumeysiga.
Israel ayaa Daanta Galbeed ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, markaas oo sidoo kale ay dhul kaga qabsatay dhowr dal oo Carbeed.