Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo dad ku dilay Masaajid ku yaala Daanta Galbeed

Ciidamada Israel oo dad ku dilay Masaajid ku yaala Daanta Galbeed

by Laacib

Israel ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay aroornimadii hore ee saakay ay shan nin oo Falastiiniyiin ah ku dileen Masaajid ku yaala Magaalada Tulkarm ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Masaajidka la weeraray ayaa ku dhex yaala xerada qaxootiga Nour Shams, halkaas oo ay Israel sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaal-yahano ka tirsan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ku jiro hoggaamiye argagixiso, hawlgalkuna uu ahaa mid ku yimid xog sirdoon oo ciidamadu ay heleen.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay dileen Muhammad Jaber (Abu Shuja’a), oo ahaa sida ay sheegeen Taliyaha Garabka Militariga Islamic Jihaad ee xerada Nour Shams.

Taliska ayaa sheegay in ninkaasi uu ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday goobta, halka Sarkaal Israeli ahna uu dhaawac fudud ka soo gaaray.

Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya in Ciidamada Israel ay burbur u gaysteen Masjidka ay weerareen.

Ciidamada Israel ayaa Arbacadii guluf ballaaran ku qaaday saddex ka mid ah magaalooyinka ku yaala Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyagoona kula dagaalamaya waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada ee ay Iran hubeyso.

Hawlgalka ballaaran ee ka socdo Jenin, Tulkarm iyo Tubas ayaa lagu dilay in ka badan 15 qof oo Falastiiniyiin ah, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc