Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo heegan la geliyay, xilli ay xiisad soo korortay

Ciidamada Israel oo heegan la geliyay, xilli ay xiisad soo korortay

by Laacib

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ciidamada ku amray inay heegan galaan, ka dib markii Xamaas ay shaacisay inay hakad gelineyso sii deynta maxaabiistii ay ka haysteen Israel.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ku dhawaaqista Xamaas ay gebi ahaanba jebineyso heshiiskii xabad joojinta labada dhinac iyo is dhaafsigii maxaabiista.

Wasiirka ayaa sheegay in warka ka soo yeeray Xamaas uu yahay xadgudub toos ah oo ka dhan ah xabad joojinta.

Wasiirka ayaa faray Taliska Militariga inay ciidamada geliyaan heerkii ugu sarreyay ee diyaargarow oo ku saabsan xaalad kasta oo suurtagal ah oo Gaza ah iyo in la ilaaliyo badqabka shacabka Israel.

“Waxaan faray Ciidanka Difaaca Israel inay galaan heerka ugu sarreya ee feejignaanta xaalad kasta oo suurtagal ah oo Gaza ah iyo in la ilaaliyo bulshooyinka ku nool xuduudaha.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa yiri “Kuma soo laaban doono xaqiiqada October 7-deedii.”

Xamaas ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegtay inay dib u dhigeyso sii deynta qaybta lixaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad heshiiska ee la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo.

Xamaas ayaa sheegtay in heshiiskii lagu heshiiyay uu ka hirgeli la’yahay dhanka Israel, ka dib markii ay sheegtay in ciidamadeeda ay beegsanayaan dadka rayidka ah, oo ay u diidayaan in si nabdoon ay guryahooda ugu laabtaan iyo inay is hortaag ku hayaan nooc kasta oo gargaar ah in Gaza uu soo galo, sidii lagu heshiiyay.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay inay hakinayaan sii deynta maxaabiista, illaa iyo inta Israel ay u hoggaansameyso qodobada heshiiska.

Abu Ubaida ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ay dib u bilaabi doonaan, haddii Israel ay muujiso inay niyad u hayso heshiiska.

Muddada uu socdo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta, Xamaas ayaa shan jeer sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah. Afar jeer oo ay sii deysay min saddex qof iyo mar ay sii deysay afar qof, taas oo tirada ay illaa iyo hadda sii deysay ka dhigeys 16 qof.

Israel ayaa dhankeeda shantaasi jeer waxay wadar ahaan xabsiyadeeda ka sii deysay 566 qof oo Falastiiniyiin ah.

Heshiiska ayaa dhigaya in wejiga koowaad lagu sii daayo 33 Israeliyiin ah iyo 1,900 Falastiiniyiin ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Xamaas ugu yeeray in ay Sabtida sii deyso dhammaanba maxaabiista Israeliyiinta, haddii kalena ay Israel ka bixi doonto heshiiska xabad joojinta.

Trump ayaa Xamaas ugu hanjabay in ay cadaab dhici doonto, haddii kama dambeys aan maxaabiista la sii deynin duhurnimada Sabtida.

Trump ayaan wax shuruud ah ku xirin dhanka Israel, si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee xabsiyadeeda ku xiran.

Warka Xamaas ee ku saabsan in la hakiyay sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu ka shaqeynayay in la fashiliyo xabad joojinta jilicsan ee Gaza, si aanu u miro-dhalin wejiga labaad ee heshiiska.

Raysal Wasaare Netanyahu ayuu cadaadis ka haystaa isbahaysiga midigta fog ee wax ka soo dhisay xukuumaddiisa, oo ku adkeynaya in marka uu dhammaado lixda toddobaad ee wejiga koowaad ee heshiiska ay ciidamadu dib u bilaabaan dagaalka Gaza.

Wasiirka Maaliyadda ahna Hoggaamiyaha Xisbiga National Union–Tkuma, Bezalel Smotrich ayaa wacad ku maray in xisbigiisu uu ka bixi doono dowladda wadaagga ah, haddii aan dagaalka dib loo bilaabin bisha March, waana sababta uu Netanyahu u carqaladeynayo in xabad joojintu ay sii socoto.

Ka bixitaanka Xisbiga National Union–Tkuma, Bezalel ee dowladda ayaa soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Smotrich ayaa diidan in la soo afjaro dagaalka Gaza, iyadoo aan militari ahaan la burburin Xamaas, oo muddo dheer ka arrimineysay Marinka Gaza.

Warbaahinta Israel ee u janjeerta bidixda ayaa muddooyinkan warineysay in Netanyahu aanu ogolaan doonin in xukuumaddiisu ay burburto.

Fashil kasta oo ku yimaada dhameystirka heshiiska xabad joojinta Gaza, maxaabiistana la isku dhaafsanayo ayaa keeni doonta in dagaalka Gaza uu dib u bilowdo, waxayna soo celineysaa xiisaddii in dhawaalaba ka jirtay Bariga Dhexe ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza.

Heshiiskan xabad joojinta ayaa looga gol lahaa in si buuxda loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc