Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo laga reebtay gaari nooca dagaalka

Ciidamada Israel oo laga reebtay gaari nooca dagaalka

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa shalay galab mid ka mid ah gaadiidkooda gaashaaman uga cararay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib markii kooxaha wax iska caabinta ay soo weerareen, waxyeelana ay u gaysteen.

Xoogaga wax iska caabinta ayaa weeraray Ciidamada Israel, oo sida la sheegay maalmihii ugu dambeysay fariisimo ka sameystay Dugsiga Riyadh ee galbeedka Rafah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay shalay banneeyeen dugsigaasi, ayna uga taggeen gaarigan oo noociisu ahaa M113. Gaarigan ayaa ka mid ah gawaarida gaashaaman ee ay wataan Militariga Israel ee gudaha ugu jira Marinka Gaza.

Gaariga ayaa waxaa ka muuqanaya gubniin, taas oo loo fasirtay in kooxaha wax iska caabinta ay la heleen gantaal.

Kooxaha wax iska caabinta ayaa si joogta ah Ciidamada Israel ugu weerarayay iskuulkaasi, maalmihii ay deganaayeen.

Iska caabinta nool ayaa Ciidamada Israel ku riixday in gaarigoodaasi ay dugsiga uga taggaan.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in markii ugu horreysay ay noqonayso in Ciidanka Difaaca Israel ay ka taggaan gaari laga waxyeeleeyay.

Ciidamada Israel ayaa aalaaba goobta ka jiidan jiray kolonyadooda, marka sidaan oo kale ay waxyeelada uga soo gaarto weerarada kooxaha wax iska caabinta, iyagoo markaasi gaynaya saldhigyada militari ee ay Gaza ku leeyihiin.

Gaarigan oo u sameysan qaabka taangiga oo kale ayay Militariga Israel u adeegsan jireen in lagu daabulo ciidamada.

Ciidamada Israel ee ku sugan deegaanka Rafah ayaa iska caabin xoog leh kala kulmaya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, iyadoona Rafah lagu tilmaamo furinta ugu weyn ee dagaalka ka soconaya Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa 7-dii bishii May weerar dhinaca dhulka ah ku qaaday Rafah, iyagoona ka barakaciyay qiyaastii 1.5 milyan oo dad barakacayaal ah.

Israel ayaa dhegaha ka fureystay baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan weerar ballaaran ku qaadin deegaankaasi, maadaama ay gabaadsanayeen inta badan dadka reer Gaza ee sida khasabka ah looga soo barakaciyay guryahooda. Dunida ayaana Rafah u tixgelineysay aag bani’aadantinimo.

Ciidamada Israel ayaa hadda dhib badani ka maraya hawlgalka ay u joogaan Rafah, qaarkoodna waxaaba la sheegaya in ay ku go’doonsan yihiin qaybo ka mid ah deegaanka ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, kuna dhow xadka Masar.

Xoogaga Xamaas oo kaashanaya kuwa Islamic Jihaad ayaa waddooyinka xaafadaha ku burburinaya taangiyada iyo gawaarida kale ee Ciidamada Israel.

Xoogagan ayaa burburinta kolonyada Ciidamada Israel u adeegsanaya gantaalaha garabka laga tuuro iyo weliba aaladaha kale ee qarxa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc