Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo lagu burburiyay dhisme ay naf ka dayeen

Ciidamada Israel oo lagu burburiyay dhisme ay naf ka dayeen

by Laacib

Wararka ka imanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in shalay galab Ciidamada Israel lagu dumiyay guri ay gabaad ahaan u galeen, ka dib weerar lama filaan ah oo ay kala kulmeen kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Ciidamadan oo ah kuwii Khamiistii hawlgalka militari dib uga bilaabay xaafadda Shejaiya ee Magaalada Gaza ayaa qaybtood lagu weeraray dhanka bari ee xaafaddaasi, xilli ay ka baadigoobayeen xubno ka tirsan dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha wax iska caabinta ay culeys soo saareen ciidamadaasi, isla-markaana ay door bideen inay galaan dhismahaasi, oo wax yar ka dibna ay ku qarxiyeen Xoogaga Islamic Jihaad.

Islamic Jihaad ayaa xalay sheegtay in dhismahaasi horey loogu sii diyaariyay qarax, isla-markaana ay Ciidamada Israel ka dhigeen wax la dilo iyo wax kaloo la dhaawaco.

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa Taliska Militariga ayaa ku warantay in afar askari lagu dilay, shan kalena lagu dhaawacay dagaal culus oo ka dhacay Shejaiya.

Xoogaga wax iska caabinta ayaa waxaa muuqata in ay kala garanayaan guryaha ay gabaadka u raadsan karaan Ciidamada Israel, kolka ay weerarada ku qabsadaan waddooyinka xaafadaha.

Xoogaga Xamaas ayaa marar badan sidaan oo kale Ciidamada Israel ugu qarxiyay dhismayaal ay badbaado ahaan u galeen, intii ay socdeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, oo ay ugu gaysteen qaybo ka mid ah Marinka Gaza.

Iyadoo Ciidanka Cirka Israel ay duqaymo ba’an ka wadaan xaafadda Shejaiya ayaa waxay dadku hadal hayaan, sida kooxaha wax iska caabinta ay uga baxsanayaan amaba uga gaashamanayaan duqaymahaasi, inkastoo weeraradooda gaadmada ka dib ay ku laabtaan saldhigyada ay ku leeyihiin dhulka hoostiisa.

Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad oo isku kaashanaya Militariga Israel ee hawlgalka ka wada Shejaiya ayaa weerarada ka soo qaada kaabeyaasha militari ee ay dhulka hoose ku leeyihiin.

Duqaymaha joogtada ah ee diyaaradaha Israel ayaan hoos u dhigin weerarada ay la kulmayaan ciidamadooda ku sugan dhulka, sagaalkii bilood ee dagaalkan uu socday.

Si kastaba ha-ahaatee Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda Shejaiya ugu laabteen, si loo burburiyo dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, oo sida ay sheegeen dib ugu soo xoogeystay halkaasi, waana markii saddexaad oo Ciidamada Israel ay hawlgal u taggaan xaafaddaasi, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc