Ciidamada Israel ayaa markii saddexaad ku laabtay Magaalada Tulkarm, Ka dib markii ku dhawaad laba toddobaad ka hor ay bilaabeen hawlgalkooda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Ciidamada Israel ayaa Jimcihii soo banneeyay Magaalooyinka Jenin iyo Tulkarm, ka dib dagaalo ay kula galeen kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay xalay fiidkii weerar ku qaadeen xerada qaxootiga ee Magaalada Tulkarm.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xerada uu ka socdo iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Militariga Israel iyo dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.
Guutooyinka Shuhadada Al Aqsa, oo ah koox hubeysan oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in xoogagooda ay rasaas xoog leh kala hortaggeen Ciidamada Israel ee soo hujuumay xerada.
Dib ugu soo laabashada Ciidamada Israel ee Tulkarm ayaa timid, ka dib markii ay go’doomiyeen magaalada, ayna ka jareen adeegyadii biyaha iyo korontada.
Israel ayaa 28-kii bishii hore ee August bilowday hawlgalkeeda waqooyiga Daanta Galbeed, oo ay ku sheegtay mid ay xididada ugu siibeyso kooxaha wax iska caabinta ee halkaasi ku soo xoogeysanaya.
Bilowgii hawlgalka, Israel waxay sheegtay in ciidamadeeda ay ka hortagayaan kooxaha Falastiiniyiinta ee ay Iran hubeyso.
Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ay Israel ka sameyso Daanta Galbeed ee la haysto, muddo labaatan sano ah.