Ciidamada Israel ayaa maanta qaaday olole cusub oo militari oo ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in ololaha ballaaran ee Militariga Israel uu ku wajahan yahay qaybaha galbeed ee xeradan, iyadoona ay xeradu ka mid tahay sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza.
Taangiyada Ciidamada Israel ayaa la sheegay inay gudaha u galeen galbeedka xerada, oo u sameysan sidii xaafad oo kale.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in taangiyada Israel ay duqayn ku hayaan halkaasi, si dadka deegaanka iyo kuwii kale ee ku soo barakacay ay uga baracakacan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in duulaankan cusub uu baqdin ku abuuray, xilli aysan jirin meel nabdoon oo ay badbaado u doonan karaan.
Ka hor inta aysan Ciidamada Israel dhinaca dhulka ka soo weerarin xeradaasi ayay saqdii dhexe ee xalay ay diyaaradahooda dagaalka garaacaan.
Duulaankan ayaa imanaya, iyadoo Nuseirat ay ka mid tahay goobaha ugu badan ee Gaza ee ay sida joogtada ah u duqeeyaan diyaaradaha dagaalka Israel.
Dadka ayaa iyagoo la dilaya ku adkeysanayay inay guryahooda sii joogaan, marba haddii aysan jirin meel ay ku baxsanayaan.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in duulaanka cusub lagu dilay 11 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Kooxaha samatabixinta ayaa sheegay in xaalad aad u cakiran ay ka jirto xerada, isla-markaana ay jiraan dad fara-badan oo ku go’doonsan guryaha ku dhow halka ay ku sugan yihiin taangiyada Israel. Dadka ayaa saakay ku soo toosay iyadoo ay dul joogaan Ciidamada Israel.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa waxaa soo gaaraya codsiyo uga imanaya dadka halkaasi ku go’doonsan, si looga soo daadgureeyo.
ICRC ayaa dhawaan walaac xoog leh ka muujisay xaaladda ay Israel ka abuurtay Marinka Gaza, oo ay ku tilmaamtay mid adag tahay in lagu shaqeeyo.
Qof kasta oo Gaza ku nool, dhowr jeer ayaa lagu khasbay inuu barakaco, sida ay horey u xaqiijisay Qaramada Midoobey.
Xeryaha qaxootiga ee loo sameeyay in dadku ay ku badbaadaan iyo xarumaha kale ee Qaramada Midoobey ee barakcayaasha ay gabaadsanayaan ayaa wajahaya weerarada baahsan ee Israel.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ciidamadeeda ay si ula kac ah u burburiyeen inta badan xarumahoodii Gaza.
In ka badan hal milyan oo qof, una badan dad guryahooda laga soo barakaciyay ayaa hadda ku sugan aagga dhexe ee Marinka Gaza. Barakacayaasha ayaa ku sugan Deir Al-Balah iyo Nuseirat.