Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo weerar ku haya Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza

Ciidamada Israel oo weerar ku haya Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel oo maalin ka hor soo cusbooneeyay weeraradii ay ku hayeen Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa isku dayaya in ay curyaamiyaan adeegyada jilicsan ee uuu bixiyo isbitaalkaasi.

Isbitaalkan ayaa si gaabis ah ku shaqeynayay muddooyinkan, ka dib markii Ciidamada Israel ay burbur u gaysteen daba-yaaqadii bishii October, ayna diidan yihiin in sahayda iyo qalabka caafimaadka la geeyo isbitaalka oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay kooxaha caafimaadka ka hortagan yihiin in dhaawacyada ay ka keenayaan xaafadaha waqooyiga Gaza ay geeyaan isbitaalkaasi.

Ciidamada Israel oo bishii saddexaad hawlgal militari ka wado waqooyiga Gaza ayaa ka go’doomiyay Marinka Gaza inteeda kale, iyadoo aysan halkaasi tagi karin kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey u raran. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Ciidamada Israel ay amar ku bixiyeen in dadka rayidka ah laga daadgureeyo isbitaalkaasi, xilli baahi weyn oo caafimaad ay ka jirto dhulka go’doonsan.

Ciidamada Israel oo ku hareereysan isbitaalkaasi ayaa la arkaya taangiyadooda oo duqaynaya isbitaalka, si halkaasi ay u banneeyaan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada lagu daweynayo.

12-kii bishan ayay ahayd, markii Ciidamada Israel ay dileen Dr. Saeed Judeh, oo ahaa dhakhtarkii ugu dambeeyay lafaha ee waqooyiga Gaza, waxaana la dilay mar uu ka yimid Isbitaalka Kamal Adwan, uuna ku sii jeeday isbitaalka ku dhow ee Al-Awda. Isla maalintaas kalkaaliye caafimaad ayaa la dilay, isagoo ku wajahan Kamal Adwan.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaanan wax qiil ah loo haynin sababta ay Ciidamada Israel haatan u beegsanayaan isbitaalkaasi.

Xafiiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in agagaarka isbitaalku aanu ka socon wax dagaal ah, isla-markaana aysan ku sugneyn kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa dembiyo dagaal ka gaysanaya Marinka Gaza oo dhan, iyadoo ayna xaaladda ugu daran ee cadaabta ah ay ka jirto waqooyigeeda. Ciidamadan ayaa dadka rayidka ah isugu daray dil, dhaawac, raashiin & biyo la’aan iyo sahayda dawada oo ay ka hortaagan yihiin.

Taangiyada Militariga Israel iyo diyaaradahooda dagaalka ayaa shacabka ku beegsanaya dhismayaasha ay gabaadsanayaan, oo ay ku jiraan Xarumaha Qaramada Midoobey, iskuulada iyo isbitaalada.

Saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in dadku ay halgan ugu jiraan, sidii ay u noolaan lahaayeen, laakiin ay Israel wiiqeyso fursadaha ay dadkaasi ku badbaadi karaan.

Louise Wateridge oo ku sugan xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza ayaa sheegtay in dadka reer Gaza oo dhan ay dil ugu xukuman yihiin Israel.

Muddada uu socdo dagaalka Gaza, Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 45,270 qof, halka 107,640 kalena ay dhaawaceen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc