Home Wararka Maanta Ciidamada Kenya iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay xuduudda

Ciidamada Kenya iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay xuduudda

by Laacib

Ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay dhulka xuduudda ee gudaha Kenya.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii dagaal-yahanada Al Shabaab ay weerareen fariisimaha ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Ciidamada Kenya oo gurmad ka helay meelo kala duwan ayaa keentay inay dib u gurtaan Shabaabkii weerarka soo qaaday, oo markii hore ka tallaabay xuduudda Somaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen toddobo qof, oo afar ka mid ah lagu sheegay maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay weeraro ka gaysanayay gudaha Kenya, ka dib markii ciidamadeeda ay u soo dirtay koonfurta Somaliya.

Shabaabka ayaa inta badan weeraro ka gaysta deegaanada Kenya ee dhaca xuduudda ay la wadaagto Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc