Home Dhacdooyin Ciidamada Malaysia oo lagu weeraray dalka Lubnaan (SAWIRRO)

Ciidamada Malaysia oo lagu weeraray dalka Lubnaan (SAWIRRO)

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ee ka hawlgala dalka Lubnaan ay dhaawacmeen, ka dib markii kolonyo ay la socdeen lagu weeraray magaalada koonfureed ee Sidon. Askarta dhaawacantay ayaa ka tirsan Ciidamada Malaysia ee qaybta ka ah Hawlgalka UNIFIL.

Qaramada Midoobey ayaa xaqiijisay in diyaarad drone ah ay soo weerartay kolonyadaasi, sidoo kalena ay weerarka ku dhinteen saddex qof oo rayid ah.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa goobta ku daweysay askarta, sida ay hay’addu xaqiijisay.

Saraakiisha Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in saddex ka mid ah askartooda ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ka dhacay bar kontorool.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Israel ay leedahay ay beegsatay baabuur ka gudbeysay barta kontoroolka ah, halkaas oo ay ku dishay saddex qof oo rayid ah, isla-markaana ay ku dhaawacmeen saddex ka mid ah Ciidamada Lubnaan iyo shan askari oo ka tirsan Ciidamada Malaysia ee Hawlgalka UNIFIL.

Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacday Magaalada Sidon, markii diyaarad drone ah ay garaacday agagaarka goobtii ay baabuurtoodu mareysay.

Taliska ayaa sheegay in weerarku uu saameeyay mid ka mid ah gaadiidkooda, taasoo keentay in la dilo saddex qof oo Lubnaaniyiin ah iyo dhaawaca askarta.

“Waxaan xusuusinaynaa dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran inay ka fogaadaan falalka khatarta gelinaya Ciidanka Nabad Ilaalinta amaba dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska UNIFIL.

Taliska ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay khilaafkooda ku xaliyaan miiska wada hadalka, bedelkii ay dagaalami lahaayeen.

Israel ayaan illaa iyo hadda ka hadlin weerarka, waxayna noqoneysaa markii ugu horreysay oo Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey lagu weeraro meel ka baxsan xuduudda Lubnaan.

Ciidamada Israel ayaa bishii October dhowr jeer weeraray Xeryaha Ciidanka UNIFIL ee ku yaala xadka koonfureed ee dalka Lubnaan.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa ku soo aadaya maalmo uun ka dib, markii Taliyaha Ciidanka UNIFIL, General Aroldo Lázaro uu sheegay in ciidamadoodu ay sii joogi doonaan xeryahooda.

Warka Taliyaha ayaa jawaab u ahaa baaq uga yimid Israel, oo ku aaddanaa inay banneeyaan xeryaha ay ku leeyihiin aagga khadka buluugga ee kala qaybiya xuduudda Lubnaan iyo Israel.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc