Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Wasiirkiisa Difaaca Lloyd Austin ku amray in nidaamka difaaca hawada Mareykanka ee THAAD iyo 100 askari loo diro Israel.
Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder ayaa maanta sheegay in Wasiirka Difaaca uu aqbalay in laga jawaabo amarka Madaxweyne Biden.
Gantaalaha nidaamka difaaca hawada sare ee THAAD iyo askarta u tababaran adeegsigiisa ayaa hadda la diyaarinaya, sidii lagu gayn lahaa Israel, sida uu xaqiijiyay Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka.
“Tani waxay hoosta ka xariiqeysaa, sida Mareykanka ay uga go’an tahay difaaca Israel.” Ayuu yiri General Patrick Ryder.
Jananka ayaa sheegaya in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu ka hortago weerar kasta oo gantaalaha ballaastikada ah ee Iran ee ka dhanka ah Israel.
Ryder ayaa sheegaya in Ciidamada Mareykanka ay ka hawlgali doonaan Israel, waana xilli Iran ay Mareykanka uga digtay in ciidamadiisu uu ka ilaaliyo Israel.
Go’aanka Mareykanka ayaa yimid, iyadoo Israel ay qorsheynayso inay weerar ku qaaddo Iran, si ay uga jawaabto gantaalihii faraha badnaa ee ay Iran 1-dii bishan ku weerartay gudaha Israel.
Iran ayaa 181 gantaal oo nooca ballaastikada ah ku ekeysay Israel, markaas oo ay ka aargudaneysay dilkii ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.
Madaxda Iran waxay sheegeen inaysan dooneyn dagaal ay haatan la galaan Israel, waxayse ka diggeen cawaaqibka ka dhalan kara weerar kasta oo Israel kaga yimaada.
Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay in Israel ay qiimo badan ku bixin doonto, haddii ay soo weerarto taako ka mid ah dhulka Iran.
Israel ayaa waxaa laga yaabaa inay garaacdo xarumaha nukliyeerka iyo saliidda ee Iran, taasna waxay keeni doontaa isku dhac ballaaran, inkastoo Madaxweyne Biden uu Israel kula taliyay inaysan isku taaban goobahaasi.
Dadka odoroso siyaasadda gobolka waxay qabaan in Iran aysan waxba dhawrin doonin, haddii ayba dhacdo in la bartilmaameedsado kaabeyaasheeda ugu muhiimsan.
Tallaabada Washington ayaa ka dhigeysa Ciidamada Mareykanka inay ku sii dhawaadaan amaba ay qayb ka noqdaan isku dhacyada sii kordhaya ee ka socda Gobolka Bariga Dhexe.