Home Wararka Maanta Ciidamada oo dardargelinaya hawlgalka gaarka ee qaybaha dhexe ee Calmiskaad

Ciidamada oo dardargelinaya hawlgalka gaarka ee qaybaha dhexe ee Calmiskaad

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maalintii saddexaad ku foogan hawlgalka gaarka ah ee maleeshiyada Daacish lagaga sifeynayo dhulka ay kaga dhuumaaleysanayaan bartamaha Buuraleyda Calmiskaad, iyadoona uu sii socdo hawlgalka maleeshiyadaasi lagu la dagaalamayo furimaha hore.

Ciidamada ayaa hawlgalkan ka wada deegaanada ku xeeran Tog-jaceyl, kaas oo dhaca aagagga dhexe ee buuraha joogoodu sarreyo ee Calmiskaad.

Ciidamada oo firfircooni ay ka muuqaneyso ayaa togaga iyo dhulka biyo mareenada ee gabaadka leh ka baadigoobaya maleeshiyada soo weydaaratay ciidamada ku maqan jiidda hore ee galbeedka Calmiskaad.

Ciidamada oo ka hortagaya in maleeshiyadaasi ay carqaladeyso hawlgalka ciribtirka Daacish oo Jimcihii wejigiisii saddexaad galay ayaa xitaa maleeshiyadaasi ka raadinaya buuraha ku wareegsan deegaanada Shebaab, Dhadaar iyo Dhasaan.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in hawlgalkan gaarka ah uu ka bilowday deegaanada ku hareereysan Tog-jaceyl iyo Togga Ina Cidoole, isla-markaana uu ku sii fidayo bugcad kasta oo Daacish lagu tuhunsan yahay amaba lagu arkay.

Cabdul Warsame Cismaan oo ka mid ah Saraakiisha Puntland oo gelinkii dambe ee Arbacadii ciidamada kula hadlay buuraha dushooda ayaa bogaadiyay, sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca dalkooda.

“Waad mahadsan tihiin waad dagaal gasheen, waana guuleysanay. Wax yar baa ka haray guusha, inta yarta ah oo ka hartayna waanu gaaraynaa. Ilaahay idinkii waan gaaraynaa.” Ayuu yiri Cabdul Warsame.

Ciidamada ayaa bishii saddexaad Daacishta Somaliya kula dagaalamaya deegaano dhaca dhulka buuraleyda ee Gobolka Bari.

Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa hoggaaminaya hawlgalka Daacish lagaga sifeynayo buuraha iyo dhulka taagga leh ee Calmiskaad.

Hawlgalkan ayaa la tilmaamaa in uu mideeyay dadka reer Puntland, iyadoo shacabku ay si aan caadi ahayn u taageereen ciidamada ku howlan ciribtirka kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc