Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la soo sheegaya in uu ciidamo soo dhigay dhulka buuraha ee ku teedsan deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka gadaal markii Al Shabaab ay habeenkii Axadda qabsatay deegaanka Aboorey oo ku dhow deegaankaasi, isla-markaana hoostaga Degmada Buuloburde.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa tan iyo Talaadadii weerar ku haya Al Shabaab, oo sida muuqato ku mintideysa Aboorey oo duleedkeeda lagu la dagaalamayo.
Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa kuu sheegaya in ciidamadu ay xoojiyeen difaacooda Yasooman, si aanay wax Shabaab ahi ugu suurtagelin inay u soo gudbaan buuraha dhaca Yasooman.
Qabsashada Al Shabaab ee Aboorey ayaa ka dambeysay qorshe ay maleeshiyadu ka leedahay inay isku soo fidiso Yasooman, si ay ula wareegaan waddada xiriirisa Yasooman iyo Degmada Maxaas.
Sababta uu militariga u adkeeyay difaaca ciidamada ku sugan Yasooman ayaa ah in hadhow ay adkaan doonto in Shabaabka laga saaro buuraha halkaasi ku yaala.
Shabaabka qaybtood ayaa haddaba laga warqabaa inay ku sugan yihiin buuraha qaar ee bariga Gobolka Hiiraan, gaar ahaan aagagga Beera-yabaal illaa Jicibow.
Aboorey oo hadda uu dagaal culus ka socdo ayaa ah dhul fidsan oo Shabaabku aanay ku qarsoomi karin, diyaaradaha dagaalkana ay u fududahay inay ku garaacaan.
Villa Somalia ayaa ka dheregsan imaanshaha Shabaab ee dhulka buuraha ee Yasooman in ay mustaqbalka dhow caqabad ku noqon doonto wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee maleeshiyada lagaga saarayo deegaanada Hirshabelle.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaan dagaalka ka joojin Al Shabaab, illaa si buuxda looga sifeeyo Aboorey iyo goobaha ku dhow dhow.