Ciidanka Puntland ee maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Dhasaan ee Buuraleyda Calmiskaad ayaa gacanta ku dhigay gantaalo la sheegay inay Daacish lahayd.
Gantaaladan ayaa la sheegay in Daacish ay ku farsameysay xarun ay ku lahayd agagaarka deegaanka Dhasaan ee Gobolka Bari.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in Daacish ay dooneysay inay madaxyada gantaaladan u adeegsato hawlgaladeeda wax burburinta, gaar ahaan meelaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo kuwooda hawlgalka wada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale soo bandhigay laba mooto iyo fuustooyin shidaal, oo sida la sheegay ay Daacish uga tagtey bannaanada hore ee Dhasaan.
Ciidanka Puntland oo taageero xagga cirka ah ka helaya Emirate-ka Carabta ayaa cadaadis militari ku haya Daacishta Somaliya.
Ciidamada ayaa maleeshiyada kala wareegaya goobihii ay gabaadka ka dhiganeysay ee dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horaan sheegay in Puntland ay ku jirto dagaal xaq ah, isla-markaana ay ku difaaceyso dalka, dadka iyo diinta.
Daacish waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ururada ugu naxariista daran ee maanta ka hawlgala qaybo ka mid ah dunida.
Shacabka Puntland ayaa si buuxda u garab istaagay hawlgalka ciribtirka Daacish ee bishiisii labaad uu geba-gabada ku dhow yahay.
Daacish ayaan wax saldhig ah ku lahayn dalka intiisa leh, marka laga reebo Gobolka Bari ee Puntland.