Home Dhacdooyin Ciidamada oo la sheegay inay soo afjareen weerarkii Hotel Qaahira

Ciidamada oo la sheegay inay soo afjareen weerarkii Hotel Qaahira

by Laacib

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadu ay soo afjareen dableydii maleeshiyada Al Shabaab ee Talaadadii weerartay Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Militariga Jabuuti & Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa soo afjaray weerarka oo socday maalin iyo habeen.

Cumar Cismaan Calasow, Gudoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa sheegay in ciidamadu ay soo afjareen weerarkaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay dileen qaar ka mid ah dableydii hotelka ka dhex dagaalameysay, qaar kalena sida uu sheegay ay is qarxiyeen.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in weerarka ay ku dhinteen toddobo qof oo isugu jira buu yiri nabadoono, saraakiil iyo shacab ka ag-dhawaa meesha.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadu ay saaka si buuxda u xaqiijiyeen amniga hotelkaasi, oo burbur weyn uu ka muuqanayo.

Mid ka mid ah odayaashii laga soo samatabixiyay goobta ayaa sheegay in weerarku uu bilowday wax yar uun ka dib, markii la tukaday Salaaddii Subax ee shalay, waxaana uu xusay inaanu xilligaasi ka socon wax shir ah.

Dhanka kale hay’adaha ammaanka ayaan soo bandhigin meydadka shan illaa lix nin oo weerartay hotelkaasi, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in tirada dableyda ay intaasi ka badan tahay, taasoo xoojineysa shakiga ay dadka qaarkii ka muujinayaan in qaar ka mid ah dableyda ay baxsatay, intii is qarxisay mooyee.

Rasaas xoog leh iyo jug weyn ayaa saqdii dhexe ee xalay laga maqlay xaafadda Howlwadaag oo hotelka uu ku yaalo. Rag hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen ciidamadii ku hareereysnaa hotelkaasi.

Ma jirto cid ka tirsan laamaha ammaanka oo xaqiijisay in dableyda qaarkood ay baxsadeen.

Dadka reer Beledweyne ayaa illaa iyo hadda dhegahooda ka guuxaya qaraxyadii waaweynaa ee goobta ka dhacay iyo iska horimaadka muddada dheer socday.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay hotelkaasi, ka dibna waxaa gudaha u galay dabley hubeysan. Intii uu weerarku socday ayaa waxaa goobta laga maqlay qaraxyo xoogan, oo ay barbar socdeen bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo dableyda ay adeegsaneysay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi ayaa sheegtay in hotelka lagu abaabulayay shirqool iyaga ka dhan ah.

Dableyda ayaa weerartay hotelkaasi, ka hor inta aanu ka bilaaban shir ay ku lahaayeen siyaasiyiin, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha degta galbeedka Beledweyne.

Xubnahan ayaa riixayay, sidii beeshooda ay uga qayb qaadan lahayd wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Hotelka ayaa ahaa mid la degan yahay oo nabadoono deegaanka ahna ay wax ka deganaayeen. Saddex ka mid ah nabadoonadii deganaa ayaana lagu dilay goobta.

Cairo (Qaahira) Hotel ayaa si xun ugu burburay weerarkan. Barraha bulshada ayaa la isku la wadaagay muuqaalo muujinaya burbur baahsan oo dhismaha hotelka ka soo gaaray weerarkaasi.

Weerarka ayaa si guud u saameeyay nolosha dadka reer Beledweyne, ka dib markii saacado yar ka dib weerarkaasi hawada laga saaray isgaarsiintii Shirkadda Hormuud Telecom. Isgaarsiinta la jaray ayaa xanibtay adeeggii EVC Plus ee dadku lacagaha isugu dirayeen teleefanadooda gacanta, inkastoo ay markii dambe bilaabeen inay isticmaalaan adeegga lacagaha la isugu diro ee WAAFI. Dhibaatada dadka reer Beledweyne haysata waa inaysan lacagta shilin Soomaaliga ka shaqeyn magaaladaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu waqtiga dheeraa ee ay Shabaabku ka gaystaan Beledweyne, waana weerarkii ugu saacadaha badnaa ee ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, kuna taala bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc