Home Dhacdooyin Ciidamada oo waddada ku arkay gaadiid laga gubay kooxaha argagixisada

Ciidamada oo waddada ku arkay gaadiid laga gubay kooxaha argagixisada

by Laacib

Ciidanka Puntland oo ku sii socdo saldhigyada ay maleeshiyada Daacish ku leedahay galbeedka Buuraleyda Calmiskaad ayaa waddada kula kulmay gaadiid laga burburiyay maleeshiyadaasi.

Warbaahinta Puntland ayaa soo bandhigtay muuqaalada gaadiidka la sheegay in laga burburiyay maleeshiyadaasi, ka dib markii xagga cirka laga duqeeyay. Lama sheegin xilliga ay duqayntan dhacday.

Warbaahinta ayaa ku warantay in duqaynta lagu gubay baabuur iyo mootooyin ay Daacish ku diyaarisay qaraxyo ay doonayeen inay weeraradooda u adeegsadaan, balse ay duqayntu sahashay in la burburiyo.

Warbaahinta waxay kaloo sheegtay in ciidamadu ay indhaha ka qaadeen xabaalo wadareedyo ay maleeshiyada ku aastay xubno ka mid ah kuwooda sarsare.

Muuqaalada ayaa laga arki karay gaari iyo mooto la gubay, iyadoo ay maleeshiyadu ku hoos qarisay geed hoostiis, si aanay diyaaraduhu u arag.

Ciidanka Difaaca Puntland ee hawlgalkan wado ayaad arkaysaa in ay buuraha kor u fuulayaan, marna ay hoos uga sii degayaan. Ciidamada ayaa isaga gudbaya buur illaa buur kale, iyagoo hiigsanaya hadafkooda ah in ay gaaraan saldhigyada ay kooxaha argagixisada ku leeyihiin qaybaha galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Shaqada kow iyo laba ma joogto, haddii ciidamada ay tahay in ay foodda geliyaan difaacyada dambe ee Daacish oo howl culus ay ka soo horreyso.

Ciidamada oo shalay iyo maantaba dhaqaaaq sameynayay ayaa si taxadar badan ugu soconaya buuraha, waana ciidamada oo dhowr iyo soddon kiilomitir ugu sii siqaya goobaha ay Daacish ku leedahay difaacyadeeda loo arko in ay yihiin kuwo ugu muhiimsan ee ay gobolka ku leedahay.

Daacishta Somaliya oo la aaminsan yahay in ay wax ka badan 10 dal isaga yimaadeen ayaa halkaasi ku xoogan.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in Daacish ay si teel teel ah ugu sugan tahay dhul ballaaran oo ka soo horreya halka ay ku yaallaan difaacyadeeda ugu dambeeya. Ciidamada ayaa laga yaabaa inta ay hawlgalkoodan ku jiraan in ay waddada kula kulmaan goobo kala duwan oo lagu duqeeyay maleeshiyadaasi.

Daacish ayaa la qiyaasaya in ay ku fara-adeygi doonto, sidii aanu gacanteeda uga bixi lahayn dhulka ciriiriga ah ee ay qorsheysatay inay mustaqbalka ku sii nagaaddo.

Buuraha joogga sare leh ee Daacish salka kula jirto ayaa ka caawinaya inay goorahaan sii dagaalanto.

Daacish ayaa noqotay caqabad kale oo amni oo dalka ku soo korortay, ka gadaal markii lagu jebiyay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Dagaalkan ay Puntland ku qaadday colkaasi ayaa lagu ogaaday in Daacish ay ka xoogan tahay, sidii la moodayay, isla-markaana ay sanadihii u dambeeyay xoojineysay faraceeda Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc