Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ay duqaymo culus ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolkaasi, ka dib markii ciidamadu ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa la soo sheegaya in ay weerareen maleeshiyada muddooyinkanba ku sugneyd deegaanada Sumadaale iyo Bursha Sheekh oo hoostaga Degmada Cadale.
Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay culeys ku hayay deegaanadaasi, ka gadaal markii ay Shabaab dib uga riixeen deegaanka Lama Garas (Laba Garas). Shabaabka ayaa 5-tii bishan qabsaday deegaankaasi oo hoostaga Degmada Cadale, iyadoona laga saaray toddobaadkii hore.
Sumadaale oo kale, ciidamada ayaa gudaha u galay deegaankaasi, iyagoona dagaal culus kula galay maleeshiyada Shabaabka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanadaasi iyo tuulooyinka ku xeeranba ay ka dhaceen duqaymo xoog leh, oo lagu taageerayay ciidamadii weerarka qaaday.
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa u muuqdo in hawlgalka ay weli wadaan.
Telefishinka Qaranka ayaa ku waramaya in ciidamadu ay hawlgalo nadiifin ah ka wadaan deegaanada gobolka ee la weeraray.
Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in la beegsaday xubno sare oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo halkaas ku lahaa sida ay tebisay shirar dhagar ah oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada ayaa weeraray deegaanadaasi, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gelinkii dambe ee shalay uu safar ku tegay Degmada Cadale.
Saraakiisha Militariga Somaliya, masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin hawlgalkan.