Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalintii afaraad sii wada hawlgalka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Hawlgalka ayaa Isniintii ka bilowday waddada xiriirisa Degmooyinka Buuloburde iyo Halgan. Hawlgalkan ayaa ah mid maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo dhulka ay kaga sugan yihiin qaybta bari ee Webiga Shabelle.
Saraakiisha Ciidamada ayaa mar sii horreysay sheegay in si toos ah la isugu furay waddada Halgan iyo Beera-yabaal, Shabaabkii ku sugnaana ay carareen, marka laga soo tago kuwoodii dagaalka lagu dilay.
Dadweyne is xilqaamay ayaa Arbacadii deeq gaarsiiyay ciidamada ku sugan aagga deegaanka Beera-yabaal oo hoostaga Degmada Buuloburde.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay saacadihii la soo dhaafay ay dagaal culus maleeshiyada Al Shabaab kula galeen dhulka hawdka ah ee Beera-yabaal illaa Jicibow.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in in maleeshiyada Shabaabka qaarkood ay banneeyeen deegaanka Jicibow, iyagoo u gudbay daanta galbeed ee Webiga Shabelle, ka dib markii halkaasi laga soo sheegay in duqayn ay ka dhacday, Shabaabka ayaase weli gacanta ku haya deegaankaasi.
Ciidanka Xoogaga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka (Macawiisley) ayaa la soo sheegaya in hawlgal sifeyn ah ay ka wadaan webiga jiinkiisa.
Hawlgalka ayaa waxaa shalay ku biiray ciidamo u badan Xoogaga Macawiisleyda, oo lagu diyaariyay deegaanada Beergadiid iyo Qabno ee gobolkaasi.
Cabdi Salaad Gaabow oo ka mid ah Saraakiisha Macawiisleyda, isla-markaana Warbaahinta kula hadlay aagga Bur Abooto ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Jicibow.
Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa Macawiisleyda ku ammaanay in ay door weyn ka qaateen wejigii hore ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray bariga gobolkaasi, inkastoo markii dambe ay dib ugu soo laabteen deegaano aan badneyn.
“Shabaab in laga adkaan karo oo la dili karo oo meydkiisa lagu kor dabaal-degi karo Somaliya idinkaa baray, taariikhdana way idinkugu jirtaa.” Ayuu yiri Taliyaha oo ciidamada kula hadlayay jiidda hore.
Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Maanta, nimankii waxay rabaan mar labaad in cashar loo dhigo, sababtoo ah waxaan aaminsanahay idinka haddaad socotaan in laga guuleysanayo Shabaab ayaa aaminsanahay.”
Hawlgalkan oo lagu sheegay mid ballaaran ayaa waxaa hoggaaminaya Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka, waxaana ku wehlinaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Saraakiisha Qaybta 27aad iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hawlgalku uu ku socdo, sidii loogu talagalay, isla-markaana ay ciidamada ku baacsanayaan kooxaha argagixisada.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan hawlgal uu sheegay in gobolka lagaga ciribtirayo kooxahaasi, isla-markaana aanu hawlgalku joogsan doonin, iyadoo aan kooxahaasi laga suulin gobolka.
Ciidamada ayaa horumar ka sameynaya hawlgalkan oo u muuqdo mid maalmaha ina soo aaddan sii xoogeysan doona.
Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in ciidamadu ay u qalab qaataan galbeedka gobolkaasi, oo ah halka ay Shabaabku kaga xoogan yihiin gobolka, balse ma cadda goorta saxda ah ee ay ka tallaabi doonaan webiga, una tallaabi doonaan qorax u dhaca.
Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabulaya in guluf kale Shabaabka lagaga kiciyo dhulka kale ee Hirshabelle iyo deegaanada Galmudug.