Waxaa sii kordhaya ciidamada ay Dowladda Federaalka u daabuleyso Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli maleeshiyada Al Shabaab ay sii wadaan weerarada ay ka gaysanayaan gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in boqolaal askari oo u badan kuwa Ciidanka Xoogga Dalka ay xalay ka dhaqaaqeen Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda jiidda hore ee gobolka.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay ku wajahan yihiin deegaanka Boos Hareeri oo xagga koonfureed kaga beegan Degmada Aadan Yabaal.
Ka dib dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaankaasi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale ayaa gaaray deegaanka.
Taliska Militariga Somaliya iyo kan Daraawiishta Hirshabelle ayaa gurmad xoog leh geeyay Boos Hareeri saacado ka dib, markii Shabaabku ay qabsadeen. Ciidamada ayaana markii dambe dib ula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in meelo kala duwan oo Caasimadda Muqdisho ah lagu abaabulayo ciidamo, isla-markaana ay maalmaha soo socda gaari doonaan gobolkaasi.
16-kii cisho ee la soo dhaafay xaalad jahwareer ah ayaa ka jirtay Gobolka Shabellaha Dhexe, ka gadaal markii Shabaabku ay si aan looga baran u xoojiyeen weerarada ay ka gaysanayaan gobolkaasi.