Home Dhacdooyin Ciidamo la dhigay waddada uu saadka u soo marayo ciidamada hawlgalka ka wada G/hiiraan

Ciidamo la dhigay waddada uu saadka u soo marayo ciidamada hawlgalka ka wada G/hiiraan

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay ciidamadii horey ugu sugnaa deegaanada Waabweyn iyo Xalaaley ee bariga Gobolka Hiiraan, si loo xaqiijiyo amniga waddada uu saadka u soo marayo ciidamada.

Deegaanadan ayaa waxaa fariisimo ku lahaa Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley, kuwaas oo halkaasi ka ilaalinayay amniga waddada xiriirisa Degmooyinka Halgan iyo Buuloburde.

Buuloburde iyo Halgan ayaa ah goobaha laga hoggaaminayo hawlgalkan, waana halka uu talisku gaynayo saadka iyo sahayda loogu talagalay ciidamada hawlgalka ka wada gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamo kale ayaa la dhigay aagga Buurta Wareertire oo dhacda inta u dhaxeyso Degmooyinka Buuloburde iyo Halgan, waxayna saaran tahay waddada dheer ee laamiga ah ee isku xirto Buuloburde iyo Beledweyne.

Waddadan ayaa muhiim u ah isu socodka gaadiidka ee magaalooyinkaasi, waana mid ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka gobolkaasi.

Waddada ayaa waxaa ka baxa jidcaddayaal iyo kuwo kaloo qarda-jeex ah, waana meesha waddadaasi uu saadka uga soo marayo ciidamada isku fidinaya tuulooyinka iyo deegaanada dhaca jiinka Webiga Shabelle, gaar ahaan dhinaciisa bari ee gobolka.

Ujeedka ayaa ah in laga hortago weeraro gaadmo ah oo Shabaabku ay ka soo qaadi karaan dhulka hawdka ah ee qayb ahaan ku teedsan waddadan. Ciidamada halkaasi la soo dhigay ayay sidoo kale tahay in ay dhabar-jebin ka ilaaliyaan ciidamada hawlgalka sifeynta ah ka wada webiga hareerihiisa.

Istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u muuqdo mid si buuxda Shabaabka looga saarayo meelaha yar ee ay kaga harsan yihiin deegaanada bariga ee gobolka.

Gobolka ayaa waxaa 27-kii bishii January ka bilowday hawlgal ballaaran oo marka hore lagu qabanayo deegaanada dhaca bariga webiga jiinkiisa, ka hor inta aan hawlgalka lagu fidin daanta galbeed ee webiga.

Saraakiisha Militariga ayaa ka feejigan wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara hawlgalkan, bacdamaa Shabaabka looga bartay in marka uu culeys soo fuulo ay qaadaan weeraro ay ku carqaladeynayaan hawlgalada militari ee ka dhanka ah.

Shabaabka waxaa lagu tilmaamaa maleeshiyaad xeelado badan, khatartooduna ay mar kasta aad u sarreyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc