Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta la geeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadan oo muddo uu tababar uga socday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Axaddii oo ku beegneyd 2-da bisha February waxaa tababarka ugu soo xiray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, iyagoona noqonaya dufcaddii 11aad oo Danab ay yeelato.
Ciidamada oo la socday diyaarad uu Militariga Mareykanka leeyahay ayaa ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Ururka 162aad ee Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Laba Xidigle Caarif Hire Salaad.
Ma cadda ujeedada haatan ciidamadaasi loo geeyay Magaalada Kismaayo, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland, mana jirto cid ka hadashay imanshahooda magaaladaasi, waxaase xusid mudan in Ciidanka Danab ay xero ciidan ku leeyihiin duleedka Kismaayo, gaar ahaan agagaarka Garooka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Xoogaga Danab ee halkaasi degan ayaa deegaanada qaar ee Jubbaland ka fuliya hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlayay xufladdii tababarka loogu soo xiray ciidamadaasi ayaa sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka. Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamadan ay muhiim u yihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada.
“Waxaan mar walba idiin kula dardaarmayaa inaad noqotaan kuwo mar walba ku taagan waddadii ciidanka looga baahnaa.” Ayuu yiri General Odawaa oo ciidamada la dardaarmayay.
Danab ayaa waxaa Xerada Ex Ballidoogle ku tababara Saraakiisha Militariga Mareykanka ee dalka ku sugan, waxaana Danab lagu tilmaamaa mid ka mida ciidamada gaarka ee ay maanta Somaliya leedahay.
Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka ka taageera tababarada & tayaynta Kumaandooska Danab, iyadoona sanad kasta uu tababaro hal dufcad oo isagu uu qalabeeyo.
Danab waa ciidan dhinaca dhulka oo loo carbiyay la dagaalanka Al Shabaab, waxayna la hawlgalaan Ciidamada Mareykanka, kuwaas oo inta badan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ka fuliya weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Shabaabka.