Home Wararka Maanta Ciidanka Booliska oo loo daabulay goobaha lagu la dagaalamayo Shabaab

Ciidanka Booliska oo loo daabulay goobaha lagu la dagaalamayo Shabaab

by Laacib

Boqolaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa caawa ka ruqaansaday Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda jiidaha hore ee dagaalku uu ka socdo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Taliye Kuxigeenka Booliska, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ciidamada ka ambabixiyay Caasimadda Muqdisho.

Ciidamadan oo dhawaan uun tababar loo soo xiray ayaa noqonaya kuwoodii ugu dambeeyay ay Dowladda Federaalka u dirto furimaha lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la hadlayay ciidamadaasi ayaa kula dardaarmay inay la dagaalamaan cadowga uu sheegay inay dalka ku soo duuleen.

“Waajibaadka la idiin diri doono Insha’Allah inaad si fician uga soo baxdaan, oo ciidanka furimaha jooga la yiraahdo maanta waxaa ku soo biiray dhiig cusub, rag cusub iyo ciidan diyaar u ah dalkan inay Shabaab ka xoreeyaan.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Waxaan ogahay Al Shabaab in ay yihiin wiilal yaryar oo qoryo AK ah wata oo baqaya, oo aan dad lahayn, oo aan dowlad lahayn, oo aan qabiil lahayn, oo aan taliyeyaal fiican lahayn.”

General Asad Cismaan ayaa intaasi ku daray “Howsha caawa aan halkan u taaganahay, waxaan rabaa haddii Ilaahay yiraahdo taariikhda inay qorto, taariikhda baal dahab ah inaan ka galno.”

Ciidamadan oo saaran gaadiidka xamuulka ee askarta ayaa cagta saaray waddada gayneysa halka ay ka hawlgali doonaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc