Home Dhacdooyin Ciidanka Booliska oo xoog kula wareegay Guriga Hooyooyinka ee Muqdisho

Ciidanka Booliska oo xoog kula wareegay Guriga Hooyooyinka ee Muqdisho

by Laacib

Ciidanka Booliska ayaa saakay xoog ku galay Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne, ka dib muddo uu muran ka taagnaa cidda maamuleysa.

Dhismahan ayaa waxaa sanadahanba maamulayay oo ku shaqeynayay Ururka Haweenka Qaranka, iyadoona uu muranka soo ifbaxay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay Ururka Haweenka ka dalbatay in lagu wareejiyo Wasaaradda Qoyska & Xaquuqul Insaanka.

Haweenka ayaa dhismahan ku lahaa xafiisyo ay ku shaqeeyaan, waxayna si weyn uga horyimaadeen in ay wareejiyaan.

Ciidanka Booliska ayaa gurigaasi ka qabqabtay qaar ka mid ah haweenkii ka hawlgalayay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay haweenkaasi, oo ay ku jirtay Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka ay ku xireen Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamar Weyne.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo si adag uga hadashay falkan ayaa sheegtay in ciidamo uu soo diray Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ay xoog kula wareegeen xaruntii ay ku shaqeynayeen.

“Waxaa xarunteenna soo weeraray ciidamo uu soo diray Raysal Wasaaraha oo boolis ah, iyagoo la wareegay xaruntii.” Ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed Gabale.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa tiri “Xarunta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waa xarun weyn oo soo jireen ah. Ururka Haweenka ayaana qaranka ugu adeegayay muddo dheer. Wixii hanti iyo qalab ahaa ee haweenka lagu tababarayay oo dhan ay yaallaan.”

Iyadoo sii hadleysay ayay tiri “Ururka Haweenka, haddii la soo weeraray oo Gurigii Hooyooyinka xoog looga qaaday oo intii joogtay awood loo sheegtay oo la jiiday, lana jirdilay oo lagu tuuray xabsiga, hadde caddaaladda maanta Somaliya dowladeeda laga sugayo, waxa ay noqon doonto Ilaahay baa garanaya. Gurigaana hooyooyinka Soomaaliyeed gacmahooda iyo dhaqaalahooda ayay ku dhisteen, dahabkoodee u gadeen, waxayna geliyeen muruqoodii iyo maalkoodii, wax ay dowladi leedahay ma ahan.”

Batuulo Sheekh Axmed Gabale, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa dowladda ku dhalleeceysay “Dowladda shaqooyin badan ayuu qaranka ka sugayay, difaaca dalka ayaa ciidanka uu qaranka ka sugayay, cadowga dalka inay la dagaalamaan ayaa laga sugayay. Meeshii cadowga ay aadi lahaayeen annaga oo hooyooyin ah oo halgamayaal ah oo taariikhiyan wadankan qayb libaax leh ka qaadanay dhismihiisa, dowladnimadiisa, taageeriddiisa iyo garab istaagiisa oo dalkana aan u hurnay nafteenna, xoolaheenna iyo aqoonteennii, ilamaheennii iyo raggeennii lagu dilay, welina aan u taaganahay ayay dowladdu nagu soo weerartay xaruntii. Waa ayaan darro, waa nasiib darro, waa wax aynaan sugaynin, waa taariikh madow oo ku dhacday gabdhaha Soomaaliyeed.”

Ina Gabale ayaa hadalkeeda ku xoojisay “Kuwaan na gumaadaya, hantideenna naga dhacaya, halgankeenna duminaya, Ilaahay baa ka awood badanee inuu naga qabto.”

Ururka Haweenka ayaa horey u sheegay in ay fahamsan yihiin in dowladdu ay dooneyso inay gurigaasi ku wareejiso cid gaar ah, laakiin aysan aqbali doonin.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo dhawaan ka hadlayay muranka labada dhinac oo cirka isku shareeray ayaa haweenka ugu baaqay in ay dhismahaasi ku wareejiyaan Wasaaradda Qoyska & Xaquuqul Insaanka, si ay ugu shaqeyso.

“Boolisku inay gabdho Soomaaliyeed jiijiidaan, waan diidnay. Waxaan rajeynaya sida aan u ixtiraamnay inay ayaguna inay qarankooda u ixtiraamaan oo ay u banneeyaan wasaaradda, si ay ugu shaqeyso xafiisyadeedii.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku daray “Xaruntii weyneyd ee Hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynaya in ay ku shaqeyso wasaaraddu. Wasaaraddaa iska leh inay ku shaqeysaa la rabaa.”

Muranka labada dhinac ayaa ka dhashay gacan ku haynta dhismahaasi iyo cidda ku shaqeynaysa, waxaana kuu muuqaneysa in xaalku uu ku soo dhammaaday natiijo aan wanaagsaneyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc