Xoogaga Ururka Xisbullah iyo Ciidanka Difaaca Israel ayaa toddobaadkii labaad ku dagaalamaya deegaanada xuduudda ee Israel iyo Lubnaan.
Israel ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ay ballaarisay hawlgalka dhinaca dhulka ee deegaanada koonfurta Lubnaan, ka dib markii ay ciidan dheeraad ah gaysay xadka. 15 kun oo askari oo ka tirsan Militariga Israel ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalka.
Dagaalka labada dhinac ayaa ku fiday aagga khadka buluugga, oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan (UNIFIL).
Inkastoo labada dal ay wadaagaan xuduud dheer, haddana Ciidanka UNIFIL ayaa khadka buluugga u jooga ammaanka barta kala qaybisa xuduudda labada dal iyo in laga hortago rabshadaha yaryar ee colaadaha hurin kara.
Xisbullah ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay ku xadgudbeen heshiiskii nabadda ee khadka buluugga, ka dib markii ay isku dayeen inay halkaasi ka soo galaan dalka Lubnaan.
Xisbullah ayaa sheegtay, ka dib markii Ciidamada Israel ay ku fashiliyeen inay dalka ka soo galaan xuduudda inteeda kale ay Talaadadii damceen inay ka soo galaan aagga khadka buluugga, oo ah goob militariga ka caagan.
Militariga Israel ayaa toddobaadkii hore Xoogaga Qaramada Midoobey ka dalbaday inay 5km ka guuraan khadka buluugga, isla-markaana ay gudaha u galaan koonfurta Lubnaan, balse Qaramada Midoobey ayaa ku gacan seyrtay.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey ay sii joogi doonaan halka ay kaga sugan yihiin xuduudda.
Ciidamadii howlaha nabadda halkaasi ka waday waxaa la leeyahay waxay halis ugu jiraan hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka culus la isku adeegsanayo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidanku ay joojiyeen gebi ahaanba kormeerkii ay ku samayn jireen deegaanada xuduudda, isla-markaana ay keeb la yuurur ku yihiin xeryahooda.
Ciidanka UNIFIL ayaa ku dhawaad muddo 20 sano ah door muhiim ah ka ciyaarayay xasilloonida xuduudda, si looga fogaado kicin aan ula kac ahayn, iyada oo loo marayo habka isku xirka hawlgalka.
Colaaddan ka hor, UNIFIL waxay ahayd tan mar kasta u taagan xalinta is faham la’aanta soo kala dhex gasha dhinacyada iska soo horjeeda ee ku wada sugan xuduudda labada dal. Muddadaasi UNIFIL waxay ku guuleysatay inay xakameyso dhinacyada, haatanse xaalku waa uu ka duwan yahay sidii hore.
Tan iyo 8-dii bishii October ee sanadkii hore waxaa cad in Ciidanka UNIFIL ay ku guuldareysteen inay xakameeyaan Militariga Israel iyo Xoogaga Xisbullah, waana tan keentay in muddooyinkii ugu dambeysay ay kordhaan gantaalada isaga gudba deegaanada xuduudda. Colaadda labada dal ayaana salka ku haysa dagaalka ka soconaya Marinka Gaza.
Israel oo ka madax adeygtay in ay soo afjarto duulaankeeda Gaza ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee Setember dagaalka xooggiisa u weecisay dhinaca dalka Lubnaan, iyadoona wacad ku martay in ay burburin doonto Xisbullah.
Taliska Militariga Israel waxay sheegeen in qorshaha socda uu yahay in Xoogaga Xisbullah laga sifeeyo deegaanada xuduudda iyo in xasillooni lagu soo dabaalo xuduudda.
Israel ayaa waxay u muuqataa inay si buuxda isugu furtay furin labaad oo gobolka ah, xilli ay muddo sanad ah dhibaato badan ka mareysay, sidii ay uga adkaan lahayd Ururka Xamaas ee Falastiin.