Wararka ka imanaya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in saaka ay Ciidanka Puntland iyo xubno ka tirsan maleeshiyada Daacish ay ku dagaalameen gobolkaasi.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Daacish ay weerar ku qaadday fariisimo ay Ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaale.
Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay fashiliyeen weerarkaasi, isla-markaana ay dileen dhammaan dagaal-yahanadii weerarka soo qaaday.
War ka soo baxay Taliska Ciidanka Puntland ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada la dilay ay ku jiraan kuwo ajaaniib ah oo sideed nin gaaraya.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Puntland oo lagu magacaabo General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in maleeshiyadu ay weerarka soo qaadday, xilli ay ciidanku la socdeen dhaqdhaqaaqooda, una diyaarsanaayeen weerarkaasi.
“Sideed nin oo ajnabi ah iyo hubkooda ayay ciidamadu soo bandhigeen.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.
Muuqaalo la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa muujinaya ajaaniib xiran dareyska ciidamadooda oo meydadkooda ay daadsan yihiin goobtii lagu dagaalamay.
General Faadhigo ayaa iclaamiyay wax u muuqday in uu bilowday hawlgalkii Puntland ay dhawaan shaacisay ee ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari.
“Geesiyaasha Puntland ee fashiliyay argagixisadaas qorshahoodii ayay sii wateen, waxayna u sii guureen taargadka meeshii uu ahaa, halkaasoo khasaaraha ka soo gaaray Ciidanka Puntland uu aad u koobnaa, dagaalkana sidiisii buu u sii socdaa.” Ayuu yiri Faadhigo oo shacabka Puntland ugu baaqay inay taageeraan ciidamadooda.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa 21-kii bishan iclaamiyay dagaal kooxaha argagixisada lagaga saarayo deegaanada bariga Puntland.