Home Wararka Maanta Ciidanka Puntland oo Daacish la galay dagaal lagu dilay ajaaniib

Ciidanka Puntland oo Daacish la galay dagaal lagu dilay ajaaniib

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland ee ku sugan aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad ayaa maanta weerar xoogan ku qaaday maleeshiyada Daacish ee fariisimaha ku leh deegaanka Damdamle ee Gobolka Bari.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, maleeshiyadii ku sugneydna ay ka saareen.

Taliska ayaa inta u dhaxeyso deegaanada Qurac iyo Damdamle ku soo bandhigay meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.

Xubnaha meydadkooda la soo bandhigay oo ajaaniib ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalkii maanta.

“Hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan. Ciidamada ayaa xaqiijiyay guulo taariikhi ah.” Ayuu ku waramay Raadiyaha Puntland.

Ciidanka Puntland ee fariisimaha ku leh bartamaha Tog-jaceyl ayaa isku dayaya in ay u tallaabaan galbeedka Calmiskaad, halkaas oo la fahamsan yahay in Daacish ay ku xoogan tahay.

Hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socdo Gobolka Bari ayaa maanta galay maalintii 51aad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc