Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku sii fidaya dhul hor leh, iyagoo aan ku hakaneyn deegaanada laga saaro maleeshiyada Daacish.
Ciidanka Puntland ayaa si qoto dheer ugu fidaya dhulka Buuraleyda Calmiskaad ee ku teedsan Degmooyinka Balidhidin, Iskushuban iyo Qandala, iyagoona jihooyin kala duwan ka hawlgalaya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay cagta dhigeen goobo ay ka mid yihiin Isha Daltoonle iyo Isha Bilcil oo dhaca Dooxada Jaceyl.
Dooxadan ayaa meelaha qaarkood waxay dhulka ka sarreysaa boqolaal mitir, waana goob ku wanaagsan difaaca, haddii dhinaca dhulka laga soo hujuumo.
Weerarada xagga cirka ee Emirate-ka Carabta ee toddobaadii u dambeeyay ku hayay Daacishta Somaliya ayaa ciidamada u suurtagelisay inay sii wadaan is ballaarintooda.
Ciidamada ayaa shalay galab gaaray difaacyadii ay maleeshiyadu horaan ka sameysatay dhulka buuraha dushooda dhaca ee Dooxada Jaceyl.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa war qoraal ah ku sheegay in ciidamadu ay wadaan hawlgal Daacish lagaga sifeynayo meel walba oo ka mid ah Buuraleyda Calmiskaad.
General Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin Cali aanu maanta lahayn talo iyo tabar midna, isagoo tixraacaya in ninkaasi uu bukaan la yaal ah.
“Cabdiqaadir talana ma hayo, tabarna ma hayo, waan iska war haynaa.” Ayuu yiri Taliyaha oo Axaddii Warbaahinta kula hadlay furimaha hore oo uu ku sugan yahay.
Taliyaha ayaa Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah Kuxigeenka Hoggaamiyaha Daacish ugu baaqay in uu joojiyo dhallinyarada uu sheegay inuu halaagayo.
“Cabdiraxmaan Faahiye Ciisow, Cabdiqaadir Muumin talo gacanta uguma jirto, qoyska uu ka dhashayna waa kuwa ciidanka horsocda. Dhallinyarada aad cadaabta ku waddo ka jooji.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa ninkaasi ugu hanjabay, haddii aanu baaqooda dhageysan “Cabdiraxmaan Faahiyow, waxaa ballan Ilaahay ah ciqaabta aad mudan tahay inaad naga hesho.”
Puntland ayaa bishii saddexaad dagaal kula jirta maleeshiyada Daacish, waxayna ciidamadeeda ay guulo ka gaarayaan hawlgalka ay ugu magac-dartay (Hawlgalka ciribtirka Daacish).