Ciidanka Difaaca Puntland ayaa markan si qoto dheer ugu fidaya galbeedka Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyagoona ku sii dhawaanaya difaacyadii ugu dambeeyay ee maleeshiyada Daacish.
Ciidamada ayaa waxay Isniintii qabsadeen deegaanka Shebaab, oo qayb ahaan uu ku dhammaado Tog-jaceyl, waana saldhiggii ugu weynaa ay Daacish ku lahayd aagga Tog-jaceyl ee bartamaha Calmiskaad.
Ciidamada ayaa Talaadadii shalay gudaha u galay deegaanka Dhadaar oo qiyaastii 7km u jira deegaanka Shebaab, iyadoo aanu halkaasi ka dhicin wax dagaal ah, marka laga soo tago in habeenadii u dambeeyay xagga cirka laga garaacayay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maanta 8km gudaha ugu sii socdeen difaacyada Daacish, iyagoona kaabiga ku haya saldhigga weyn ee ay Daacish ku leedahay deegaanka Dhasaan.
Raadiyaha Puntland ayaa goor dhow sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen Dhasaan, isla-markaana ay ka wadaan hawlgal amni xaqiijin ah. Ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijin karta in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, General Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa goor sii horreysay sheegay in hawlgalkooda uu ku egyahay Dhasaan, ka dibna ay bilaabi doonaan sida uu yiri hawlgal sifeyn ah.
Taliyaha ayaa tilmaamay in hawlgalka sifeynta uu noqon doono mid ay si toos ah ugu baacsanayaan firxadka maleeshiyada iyo meelaha ay ku dhuumaaleysan karaaan.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in hawlgalka sifeynta ay kaga hortagayaan weeraro gaadmo ah iyo inay maleeshiyadu ay miinooyinka ku xabaalaan waddooyinka.
Marka laga soo tago hadalka Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, Warbaahinta ayaa fahamsan in weli ay Daacish ku sugan tahay deegaanada Raqraq, Wangable, Miraale iyo aagagga Sixno iyo Daanyo.
Hawlgalkan ayaa waxaa door weyn ka qaadanaya diyaaradaha Emirate-ka Carabta, kuwaa oo hawada ka garaacaya saldhigyada Daacish, taas oo keentay in ay banneeyaan saldhigyadii ay ciidamada toddobaadkan la wareegeen.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in 25 nin oo Daacish ah lagu dilay duqayn uu Xalay Emirate-ka Carabta ka fuliyay deegaanka Miraale ee Calmiskaad.
Kororka duqaymaha ayaa waxay ciidamada ka caawineysaa in ay isku fidiyaan dhulka ay ku harsan tahay Daacish, taas oo sidoo kale soo gaabineysa cimrigooda iyo joogitaankoodii dalka.
Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu adkaa ee Daacish ku qabsada Afrika, waana xilli sanadihii u dambeeyay ay isku dayeysay in ay kordhiso saamaynteeda qaaradda.