Ciidanka Puntland ayaa hawlgal gaar ah ka bilaabay deegaanada ku xeeran Tog-jaceyl oo dhaca bartamaha Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyagoona hawlgalkaasi kula dagaalamaya firxadka maleeshiyada Daacish. Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Puntland ay ciidamo cusub gaysay qaybaha dhexe ee Calmiskaad.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa ciidamo geeyay aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, maadaama kuwoodii dhawaan halkaasi qabtay ay uga sii gudbeen deegaanada galbeed ee dhulka buuraha waaweyn.
Taliska ayaa ciidamada qaybtood dejiyay deegaanada Shebaab, Dhadaar iyo Dhasaan oo xagga galbeed ka xiga Tog-jaceyl, iyadoo markaasi laga hortagayo in Daacish ay ku soo fiddo, si aysan caqabad ugu noqon hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan furimaha hore.
Taliska Puntland ayaa Talaadadii sheegay in ciidamadu ay bilaabeen hawlgal ay si gaar ah ugu ugaarsanayaan firxadka argagixisada Daacish ee sida dhuumaaleysiga u aasa miinooyinka.
“Ciidanka ayaa isu maray deegaanada ku hareereysan Tog-jaceyl iyo Togga Ina Cidoole, gaar ahaan deegaanka Dhextaal oo ay ku dhuumaleysanayeen firxadka argagixisada Daacish.” Ayuu talisku ku sheegay war qoraal ah.
Warka ayaa lagu yiri “Waxay ciidanku isku fidiyeen talisyadii iyo deegaanadii ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu, iyagoo halkaasi ka helay godadkay deganaayeen iyo agabkii ay uga carareen.”
Dhanka kale ciidamada ayaa bannaanada deegaanka Dhasaan ka helay qalab caafimaad oo Daacish ay halkaasi uga tagtey. Saraakiisha ayaana soo bandhigay qalabkaasi oo ay sheegeen inuu isugu jiro saalo qaliin iyo mashiinka leh oxygen-ka lagu neefsado ee loo adeegsado in lagu suuxiyo bukaanka qaliinka gelaya, waana nooc mashiin oo lagu ilaaliyo muddada suuxinta, haddii loo baahdana wax lagu kiciyo.
Kabtan Raage Ciiro Qacle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in muddo kooban ay kaga takhalusi doonaan maleeshiyada meelaha ku dhuumaneysa.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa soo dhaweeyay dadka xiriirka la soo sameeyay ee ka faa’iideystay cafiskii halka toddobaad ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu u fidiyay dadka la shaqeeya Daacish ee ku sugan magaalooyinka.
Madaxweyne Deni ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in cafiskaasi ay u fidinayaan dadka aan ku sugneyn furimaha lagu la dagaalamayo Daacish, balse gacan saarka la leh maleeshiyadaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan odayaal, culimo, ganacsato iyo dad kale oo bulshada qaybaheeda kala duwan leh.
“Waxaan rabaa inaan ugu baaqo muddo toddobo cisho ah inay laamaha amniga la soo xiriiraan, inay howshaasi ka baxeenna ay caddeeyaan. Liisaskooda waan haynaa, magacyadoodana waan haynaa. Toddobo berri gudahood ciddii ku imaan weydo, dowladda tallaabo sharci ah ayay ka qaadi doontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa dadka kale ee aan weli ka faa’iideysan cafiskaasi ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan muddada ka harsan fursadda cafiska.
Daacish ayaa guul darro istiraatiijiyadeed kala kulantay hawlgalka bishiisii saddexaad lagu la dagaalamayo ee ka socdo Puntland.