Home Wararka Maanta Ciidanka Puntland oo hawlgal ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Ciidanka Puntland oo hawlgal ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

by Laacib

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta hawlgal ku dileen Madaxdii Drones-ka ee Daacishta Somaliya.

Taliska ayaa sheegay in sarkaalkan uu farsamayn jiray drones-ka qarxa iyo miinooyinka ay Daacish u adeegsato hawlgaladeeda argagixiso.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in sarkaalkaasi lagu dilay hawlgal ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanada Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee Buuraleyda Calmiskaad.

“Ciidanka ayaa cagta mariyay talisyo ay ku dhuumanayeen argagixisada, iyagoo gacanta ku dhigay hub, drones iyo agab kale.” Ayaa lagu yiri warka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa sheegay in ninkaasi lagu dilay hawlgal gaar ah oo ciidamadu ay ka sameeyeen goob ay maleeshiyada Daacish isku qarineysay.

Saraakiisha ayaa jiidda hore ku soo bandhigay meydka sarkaalkaasi. Warbaahintu waxay aragtay meydkiisa, kaas oo aan Soomaali ahayn, iyadoo aan illaa iyo hadda la sheegin dalka uu u dhashay.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in magaca ninkaasi iyo dalka uu u dhashayba ay dib Warbaahinta uga la soo wadaagi doonaan.

Ciidanka Difaaca Puntland oo bishii saddexaad ku guda jira hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa guulo ka gaaraya dagaalka ay kula jiraan maleeshiyadaasi.

Daacishta Somaliya ayaa hawlgalkan kala kulantay jabkii ugu weynaa, muddadii ay ka hawlgaleysay Gobolka Bari ee Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc