Taliska Ciidanka Puntland ayaa wado dadaalo ay ciidamada isugu xirmayaan aagga bari illaa galbeedka Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo markaasi ciidamadu la dejinayo bartamaha.
Ciidamada ayaa hadda fariisimo ballaaran ku leh bariga Calmiskaad, iyadoo kuwoodii qabtay aagagga dhexe ay toddobaadkii hore bilaabeen inay u gudbaan qaybaha galbeed ee Calmiskaad. Ciidamada cusub ayaana la gaynayaa goobihii ay ciidamadaasi banneeyeen.
Taliska ayaa sidoo kale wado qorshe ciidamo lagu gaynayo deegaanada istiraatiijiga ah ee Shebaab, Dhadaar iyo Dhasaan, maadaama ciidamadii maalmo ka hor qabtay deegaanadaasi ay u sii qalab qaateen saldhigyada kale ay Daacish ku leedahay Calmiskaad.
Ciidamada ayaa ku fidaya dhulka buuraha ee ay maleeshiyadu ku sugan tahay, waana xilli hawgalku uu Jimcihii galay wejigiisii saddexaad.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in talisku uu ka feejigan yahay in ciidamada furimaha ku maqan loo soo daba maro deegaanadii la xoreeyay, si aanu wax dib-u-dhac ah ugu iman hawlgalka.
Taliska ayaa doonaya in ciidamada halkaasi la gaynayo ay xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi, isla-markaana uu si nabdoon waddada ugu maro saadka la gaarsiinayo ciidamada hawlgalka ka wada furimaha hore.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in deegaanada uu Tog-jaceyl ku dhammaado ay suurtagal tahay in laga hoggaamiyo hawlgalka, ka dib Degmada Balidhidin oo ahayd saldhigga ugu weyn ee laga hoggaamiyo hawlgalkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Daraawiishta Puntland ku ammaanay in ay naftooda u hurayaan adkeynta nabadgelyada iyo ilaalinta qaranimada. Madaxweynaha ayaa sheegay in Daacish ay khatar ku tahay isu socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay dagaalka xaqa ah ee Puntland iyo shacabkeeda ay kula jiraan sida uu yiri Khawaarijta Daacish.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa weerar ballaaran ku qaadday Daacishta Somaliya, ka dib ku dhawaad 10 sano oo deegaanada Puntland ay ka hawlgaleysay.