Ciidanka Puntland ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan deegaanada dhaca Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, ka dib markii xagga cirka laga garaacay maleeshiyada Daacish.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa garaacay fariisimaha iyo saldhigyada ay Daacishta Somaliya ku leedahay deegaano ay ka mid yihiin Buqo, Sixno, Daanyo, Raqraq, Wangable, Dhasaan, Haraanyo iyo Miraale.
General Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ku sii socdaan dhulka ay duqayntu ka dhacday.
Taliyaha ayaa sheegay in duqayntan ay ahayd mid Ciidanka Puntland lagaga taageerayay dagaalka la doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyadaasi.
Ma cadda, sida ciidamadu ay si dhakhsi ah ugu gaari karaan deegaanadaasi, maadaama ay yihiin dhul ku yaala buuraha dushooda, isla-markaana aysan lahayn waddooyin fidsan oo sahlaya in si fudud lagu gaaro. Deegaanadan ayaa ku dhawaad 300km dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaaso.
Arrinta kale ee dib u dhigeysa socodka safarka ee ciidamada ayaa ah in waddooyinka qarda-jeexa ee buuraha dhex mara ay yihiin kuwo miineysan. Muddadii ciidamadu ay wadeen hawlgalka ciribtirka ee Daacish ayaa marar fara-badan waxaa miinooyin lagu la eegtay jidadka yaryar ee ciriiriga ah.
Miinooyinka ayaa la fahamsan yahay in ay noqdeen caqabadda ugu weyn ee ay ciidamadu wajahayaan, marka loo eego dagaalka tooska ah ay Daacish kula jiraan. Inta badan askarta ku dhimatay hawlgalka iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay ayaa khasaarahooda loo tirinayaa miinooyinka jidadka ku xabaalan iyo qaarka kale ee sida farsameysan loogu xiray geedaha qaar ee ku beegan waddooyinka karikeeshinka ah ee ciidamada gaynaya dhulka ay Daacish ku sugan tahay.
Ciidamada lugeynaya ayaan la aqoon goorta ay gaari doonaan goobaha ay duqayntu ka dhacday, maadaama ciidamadu ay goobahaasi qaarkood ka fog yihiin 30 illaa 40km, tiiyoo aanu gaadiid jirin, ayna u dheer tahay in si feejigan ay buuraha ugu dhex socdaan, iyagoo ka taxadaraya miinooyinka iyo maleeshiyada ku dhuumaaleysanaysa godadka toga ay biyuhu maraan.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi ayaan sheegin sababta hadda ciidamada loogu diray halkaasi, balse ujeedka ayaa u muuqdo in laga faa’iideysanayo jugta ku dhacday Daacish iyo in la helo faah faahinta cidda wax ku noqotay duqayntaasi.
Isha ugu weyn ee hadda Puntland iyo Warbaahintuba ay warka ka heli karto ayaa ah dadka deegaanka, kuwaas oo haddana ay ku adag tahay in ay ka ag-dhawaadaan xarumaha Daacish. Dadka deegaanka ayaa waxaa laga yaabaa in macluumaad aan badneyn amaba xogo khaldan ay ka helaan maleeshiyada Daacish ee si uun ay xiriirka u leeyihiin.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bixiyay amarka ka dambeeyay in hawada laga duqeeyo maleeshiyada Daacish, sida uu ku sheegay qoraal uu xalay ku daabacay barraha bulshada.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Sabtidii garaacay ku dhawaad toban goobood oo Daacish ay ku lahayd deegaanada buuraleyda ee hoostaga Degmooyinka Balidhidin iyo Iskushuban.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa qiimeynaya khasaaraha ka dhashay duqaynta.
Daacishta Somaliya ayaa cadaadiskii ugu weynaa kala kulmeysa Ciidanka Puntland, tan iyo markii faraca ISIS ee Somaliya looga dhawaaqay Gobolka Bari, muddo haatan laga joogo ku dhawaad toban sano.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 30-kii bishii January sheegay in la dardargelin doono gulufka dagaal ee lagu burburinayo kooxaha argagixisada, isagoona xilligaasi ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dagaalka.