Home Dhacdooyin Ciidanka Puntland oo la wareegay deegaanka Dhasaan (SAWIRRO)

Ciidanka Puntland oo la wareegay deegaanka Dhasaan (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gudaha u galay deegaanka Dhasaan ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo ay Daacish gacanta ku haystay.

Ciidanka Puntland oo Talaadadii la wareegay saldhiggii ay Daacish ku lahayd deegaanka Dhadaar ayaa Arbacadii ku dhaqaaqay deegaanka xiga ee Dhasaan, kaas oo Khamiistan ay la wareegeen.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay hawlgal guri guri ah ka bilaabaan deegaankaasi oo hoostaga Degmada Qandala, waana deegaan ay Daacish maamuleysay ku dhawaad muddo toban sano ah.

Telefishinka Puntland ayaa baahiyay muuqaalo muujinaya in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku haynta Dhasaan.

Wariyeyaasha ka soo waramaya jiidda hore ayaa sheegay in Daacish ay isaga carartay deegaanka, ka gadaal markii ay ciidamada ku soo ruqaansadeen.

Ciidamada ayaa todddobaadkan la wareegay qaar ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee Daacishta Somaliya, ka dib markii ay ka soo qalab qaateen aagga Tog-jaceyl ee bartamaha Buuraleyda Calmiskaad.

Dowlad Goboleedka Puntland iyo ciidamadeeduba waxay u muuqdaan kuwo si sax ah uga faa’iideysanaya taageerada hawada ee Emirate-ka Carabta. Dalkan Carbeed ayaa cirka ka garaacaya goobaha ay ku yaallaan saldhigyada Daacish.

Hawlgalka cirka iyo dhulkaba leh ayaa Daacish ku khasbay in ay lumiso dhul ay muddo sanado ah gacanta ku haysay.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa ee Puntland ku qaaddo Daacishta Somaliya, tan iyo markii daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 lagaga dhawaaqay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc