Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay Jimcihii la wareegeen gacan ku haynta taliskii ay Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle oo ka tirsan deegaanka Uur Caleed ee Gobolka Bari.
Xaruntan ayaa ku taala goob lama deggaan ah oo ku dhow Dooxada Dharoor oo dhanka koonfureed kaga beegan Degmada Ufeyn. Dooxadan ayaa sidoo kale qayb ahaan kaga fidsan Degmada Iskushuban.
Ciidamada ayaa xarunta Dhaban-qooxle kula wareegay maalinta 1aad ee wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ku dhawaaqay in uu soo dhammaaday wejigii labaad ee hawlgalka, kan saddexaadna uu bilaabanayo Jimcaha oo shalay ahayd.
Madaxweynaha oo jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka ayaa sheegay inaanu istaagi doonin hawlgalka, illaa iyo inta deegaanada Puntland laga suulinayo kooxaha argagixisada.
“Hadafka waxaa weeye illaa la ciribtiro cid argagixiso ah oo Puntland dhaqdhaqaaq iyo xarumo ku leh, hawlgalo ka sameynaysa illaa laga dhameynayo wejiyadaas way socon doonaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku sii dhawaanaya in ay Daacishta Somaliya ka xoreeyaan Gobolka Bari, iyadoona ay maleeshiyadu lumineyso dhulkii ay ku dhawaad tobanka sano ku uruursaneyd.