Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ciidan gurmad ah u dirtay deegaanada Hirshabelle, si Dowlad Goboleedka Hirshabelle looga caawiyo hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamadan oo Axaddii ka soo gudbay xuduudda Gobolka Galgaduud ayaa isku maray Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi siyaabooyin kala duwan ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulada degmooyinkaasi, siyaasiyiin iyo dadka deegaanka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada oo boqolaal askari gaaraya, isla-markaana wata gaadiidka dagaalka ay ku sii jeedeen furimaha hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamadan ayaa isugu jira Ciidanka Madaxtooyada iyo kuwa Guutada Gargaar ee Daraawiishta Galmudug, waxaana hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Galmudug, Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi Xaashi (Xidig) iyo Taliyaha Hoggaanka & Hawlgelinta Ilaalada Madaxtooyada, Dhamme Calinuur Xasan Tahliil.
Xoogaga Guutada Gargaar oo kale ayaa ka soo dhaqaaqay Degmada Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug, iyagoona dhexda iska soo raacay cutubyo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Dhuusamareeb.
Gaashaanle Xidig oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Moqokori ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin jiidda hore, isla-markaana ay Hirshabelle ku garab siinayaan la dagaalanka cadowga.
“Ciidamada Dowladda Federaalka inay joogaan ayaan ognahay, dadkii deegaanka inay dagaalamayaan ayaan ognahay, haddana sidaas oo ay tahay ma rabno inaan fiirsano.” Ayuu yiri Taliye Xidig oo intaa raaciyay “Galmudug waxay ka kooban tahay Mudug iyo Galgaduud, labadaba ciidan ka soo baxaa socdo.”
Xidig ayaa sheegaya in gurmadkoodu uu tagi doono meelaha ay Shabaabka kaga sugan yihiin deegaanada Hirshabelle, isla-markaana ay qayb ka noqon doonaan dadaalada looga xoreynayo.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Dhagaweyne oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Galmudug ku ammaanay in ay furtay albaab cusub, oo ah in dadka Soomaaliyeed ay isu gurman karaan, haddii aysan lahayn cadow aan Shabaab ahayn.
Xildhibaan Dhagaweyne oo shalay galab ka hadlayay kulan lagu soo dhaweynayay ciidamada oo lagu qabtay Moqokori ayaa sheegay in iskaashiga ceynkani oo kale ah uu wax badan ka tari doono dagaalka lagu la jiro Shabaabka hubeysan.
Hawlgalka militari ee Hirshabelle ayaa la kulmay dib u dhac, ka gadaal markii Shabaabka ay Khamiistii weerar saf ballaaran ku qaadeen deegaano xor ahaa oo dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe. Shabaabka ayaa weerarkaasi ku qabsaday goobo dhowr ah, inkastoo qaarkood dib looga saaray.
Shabaabka ayaa la sheegaya in ay weli ku sugan yihiin Degmada Ceelbaraf iyo hawdka deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga Degmada Mahadaay. Shabaabka ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii bilaa dagaal kula wareegay degmada muhiimka ah ee Ceelbaraf, taas oo hadal hayn badan dhalisay.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Axaddii gaaray furinta gobolkaasi, si uu u riixo dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa wax ka yar laba toddobaad ka hor ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka loogu talagalay in lagu qabto deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa cadaadis militari kala kulmayay ciidamada, ka hor inta aysan Khamiistii soo qaadin weeraro ay meelaha qaarkood qaraxyo ku bilowdeen.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, waxa ay hadda sameynayaan ayaa ah in gacan lagu la dagaalamo Shabaab, gacanta kalena lagu xaqiijiyo amniga deegaanada.