Home Dhacdooyin Daacish oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadday Ciidanka Puntland

Daacish oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadday Ciidanka Puntland

by Laacib

Maleeshiyada Ururka Daacish ayaa waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ay Ciidanka Difaaca Puntland ku leeyihiin Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Maleeshiyada ayaa mootooyin lagu soo xiray walxaha qarxa ku weerartay fariisimaha Ciidanka Puntland ay dhawaan ka sameysteen inta u dhaxeyso deegaanada Haraaryo iyo Qurac ee jiidda Tog-jaceyl ee bartamaha Buuraleyda Calmiskaad.

Wararka ayaa sheegaya in xubnihii mootooyinka la socday ay halkaasi isku qarxiyeen, ka hor inta aanu ka bilaaban dagaal toos ah.

Inkastoo dadka deegaanka ay horey uga barakaceen dhulkaasi, haddana wararka helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday abaarihii aadaanka koowaad ee Salaadda Subax.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada Daacish ay dhowr jiho ka soo weerartay fariisimaha ciidamada, ha yeeshee ay iska caabin xoog badan kala kulmeen ciidamada.

General Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo ku sugan furinta hore ayaa sheegay in ciidamadu ay jebiyeen kooxihii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu ay khasaare xoogan u gaysteen sida warka lagu sheegay argagixisada Daacish.

“Ciidanku waxay mar kale dhegta dhiigga ugu dareen argagixisada Daacish deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceyl ee Buuraleyda Calmiskaad.” Ayaa lagu yiri warka.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Puntland ayaa soo bandhigay meydadka xubno badan, oo lagu sheegay maleeshiyadii soo weerartay fariisimaha ciidamada.

Sawirrada ayaa muujinaya in meydadka la soo bandhigay ay isugu jiraan xubno is qarxiyay oo si xun u go’go’ay iyo kuwo kale oo dagaalka lagu dilay.

Xubnaha qaar ee dagaalka lagu dilay ayaa ah ajnabi, inkastoo aan illaa iyo hadda la sheegin dalalka ay u dhasheen.

Ciidanka Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa maalmihii la soo dhaafay isku horfadhiyay aagga dhexe ee Tog-jaceyl.

Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo Ciidanka Puntland ay qorsheynayeen guluf ballaaran ay ugu tallaabayaan dhanka galbeed ee Tog-jaceyl.

Ciidamada ayaa 4-tii bishan bilaabay wejiga labaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish, si ay ugu gudbaan difaacyadii ugu dambeeyay ee maleeshiyada.

Daacishta Somaliya ayaa u muuqatay mid weerarkan ku fashilineyso hawlgalka ballaaran ee ku wajahan difaacyada ay ku leedahay galbeedka Calmiskaad.

Ciidanka Puntland ayaa wax ka badan 40 cisho dagaal kula jiray maleeshiyada Daacish ee ku uruursan dhulka buuraha ee Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc