Duqayn culus ayaa la soo sheegaya in caawa fiidkii ay ka dhacday Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay uu ka socday dagaal ay Puntland ku haysay maleeshiyada Daacish.
Wararka ayaa sheegaya in mar kale la garaacay maleeshiyada ku uruursan deegaanka Miraale ee jiidda galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad.
Warbaahinta afka Dowlad Goboleedka Puntland ku hadasho ayaa sheegtay in duqaynta ay gaysteen saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka caawinaya hawlgalka hawada.
Taliska Ciidanka Puntland oo mar dambe war soo saaray ayaa sheegay in duqaynta ay gaysatay Dowladda Emirate-ka Carabta.
“Duqaynta caawa ka dhacday aagga Ceelka Togga Miiraale waxaa lagu dilay xubno ka mid ah argagixisada Daacish oo is uruursanayay. Duqaynta waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka.” Ayaa lagu yiri warka.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii sidaan oo kale u duqeeyay Daacishta Somaliya ee salka kula jirta Miiraale.
Ciidanka Puntland ayaa laba toddobaad ka hor kubaareeyay deegaankaasi, oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah ee haatan Daacish ka joogto Calmiskaad.
Ciidamada ayaa iska caabin xoog leh kala kulmaya maleeshiyada, oo isku dayeysa in ay difaacato deegaankaasi, oo ay ugu dagaalameyso si ka duwan deegaanadii kale ee dhawaanahaan laga saarayay.
Hawlgalkan oo Puntland ay horaan ugu magac-dartay (Hawlgalka ciribtirka Daacish) ayaa maalin ka hor galay bishiisii afaraad.
Waa dagaalkii ugu weynaa oo billo xiriir ah ay Puntland la gasho mid ka mid ah garabyada hubeysan ee dalka ka dagaalama.
Ma cadda, muddada ay Puntland ku qaadan doonto si ay Daacish uga adkaato, balse Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku maray in dagaalku uu sii socon doono, illaa dalka laga suuliyo Daacish.
Daacishta Somaliya oo ku dhawaad muddo toban sano ah ka hawlgaleysay Gobolka Bari ayaa wajaheysa waqtigeedii ugu adkaa, waana Daacish oo dalka saldhigyo kaga leh gobolkaasi oo qura, inta la ogyahay.