Home Dhacdooyin Daacishta Somaliya oo xagga cirka laga duqeeyay

Daacishta Somaliya oo xagga cirka laga duqeeyay

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in weeraro xagga cirka ah ay ka dhaceen deegaano hoostaga Degmada Iskushuban ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdii dhexe garaaceen fariisimaha ay maleeshiyada Daacish ku leeyihiin deegaanada Il iyo Cameyra, oo qiyaastii 250km dhinaca bari kaga beegan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay habeen barkii ay hurdada kaga soo tooseen jugta dhowr qarax oo kala dambeysay, isla-markaana ay dib ka ogaadeen in la beegsaday saldhigyada kooxaha argagixisada.

Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa xaqiijiyay in duqaymaha lala bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish.

“Waxaa lala beegsaday nimankii Daacish ahaa ama ISIS ee ku dhuumaaleysanayay buuraleyda aagga bari. Duqaymuhuna waxaa weeye dhowr duqaymood oo is daba joog ah.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa sheegay inaysan wax macluumaad ah ka haynin khasaaraha ka dhashay duqaymahaasi, balse sida uu sheegay ay ciidamadu ku sii socdaan deegaanadaasi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay sidoo kale xireen waddooyinka looga soo baxo dhulka buuraha ay duqaymuhu ka dhaceen.

“Ciidamada waxay ku socdaan meelaha nimanku ku jiraan. Godadkooda baa la rabaa in loogu daato, haddii Ilaahay idmo oo godadkoodii baa lagu socdaa.” Ayuu yiri General Faadhigo oo VOA la hadlay.

Ma cadda dalka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqaymahan, balse Puntland ayaa goor sii horreysay Mareykanka ka codsatay in uu ka taageero duqaymaha hawada, inta ay ciidamadoodu hawlgalka wadaan.

Ciidanka Puntland ayaa 31-kii bishii December bilaabay hawlgal ka dhan ah Daacishta Somaliya ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari, saacado uun ka dib, markii maleeshiyadaasi ay weerar ku qaadeen saldhigga ay Ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaale ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc