Home Wararka Maanta Dabley ka tirsan Al Shabaab oo ka dhex dagaalamaya Hotel Qaahira ee Beledweyne

Dabley ka tirsan Al Shabaab oo ka dhex dagaalamaya Hotel Qaahira ee Beledweyne

by Laacib

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalameysa Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne, ka dib markii ay saakay weerareen.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo noociisu uu ahaa Layla Calaawi, oo lagu dhuftay afaafka hore ee hotelkaasi, ka dibna waxaa gudaha u galay dableyda hubeysan.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in shan illaa lix nin oo lugeynaysa ay gudaha u galeen hotelkaasi, isla-markaana ay bilaabeen inay wax toogtaan.

Goobjooge ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay qarax labaad, kaas oo ka dhashay mooto bajaaj miineysan. Ma cadda in bajaajtaasi uu qof la socday iyo inay tiilay hotelka bannaankiisa.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah raggii gudaha u galay hotelka oo xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxaha uu isku qarxiyay gudaha hotelkaasi, ka dib markii uu iska horimaad ka bilowday.

Ilaalada nabadoono deganaa hotelkaasi ayaa la sheegay in bilowgii ay iska caabin kala hortaggeen, ka hor inta aanu soo gaarin gurmadka ciidamada amniga.

Hay’adaha ammaanka oo ciidamo u diray goobta ayaa xiray dhammaanba waddooyinka soo gala, waxayna weli ciidamadu la dagaalamayaan dableydii weerarka soo qaadday.

Ciidanka Midowga Afrika oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa dib kaga biiray hawlgalka lagu soo afjarayo dableydaasi.

Inkastoo laamaha amiga aysan weli wax war ah ka soo saarin halka uu hadda marayo hawlgalka lagu la dagaalamayo raggaasi, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in la dilay inta badan xubnihii wax soo weeraray.

Illaa toban qof oo saddex ka mid ah ay nabadoono ahaayeen ayaa ku dhintay weerarka. Nabadoon Aadan Cali Raaxo Jecel, Nabadoon Maxamed Cismaan Ileynaa iyo Nabadoon Aadan Maxamed Calasow (Indhabuur) ayaa la xaqiijiyay in goobta lagu dilay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegtay in hotelka lagu abaabulayay shirqool iyaga ka dhan ah.

Hotelkan oo ku yaala xaafadda Howlwadaag ayaa xilligii uu weerarku dhacayay aanu ka socon wax shir ah, inkastoo sida la sheegay ay dadka deegaanka isku diyaarinayeen shir ay ku yeeshaan. Hotelka ayaa ahaa mid la degan yahay oo nabadoono deegaanka ahna ay wax ka deganaayeen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay maanta odayaashaasi bartilmaameed ugu noqon karayeen Al Shabaab.

Odayaasha waxaa loo maleynaya in loo weeraray waa inay isku diyaarinayeen, sidii beesha degta galbeedka Beledweyne ay qayb uga noqon lahayd wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, ka gadaal markii Dowladda Federaalka ay ku adkeystay inaysan ka harin hawlgalka oo lagu xoreynayo galbeedka Gobolka Hiiraan oo Shabaabku ay ka arrimiyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc