Home Wararka Maanta Dad badan oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug

Dad badan oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug

by Laacib

Dagaalka oo Isniintii ka qarxay deegaanka Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib is maandhaaf ka dhashay ceel biyood, sida la sheegay ay mid ka mid ah labadaasi beelood ka hirgelineysay duleedka deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ay ku dhinteen illaa soddon qof oo labada dhinac ah, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob.

Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo.

Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan.

Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley.

Heshiiskan ayaa muddadii uu jiray waxa uu dadka deegaanka u horseeday amni & xasillooni iyo is bedel dhanka nolosha ah.

Wax kasta waxay is bedeleen, ka dib markii bishii October ee sanadkii hore ee 2023 uu dagaal u dhaxeeyo ka qarxay deegaanada Laanwaley iyo Saaxa-qurun, ka dib xiisad ka dhalatay daaqa iyo waraabka.

Gobolada Dhexe ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo laba kacleeyay isku dhacyada beelaha, tanina waxay carqaladeynaysaa qorshaha Villa Somalia ay ku dooneyso in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.

Abaabulka dadka deegaanka iyo in loo jiheeyo la dagaalanka Al Shabaab ayaa muhiim u ahayd istiraatiijiyadda dagaal ee ay Villa Somalia damacsan tahay in lagu qabto dhulka maqan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc