Home Wararka Caalamka Dad badan oo ku dhintay duqayn ka dhacday xarun Qaramada Midoobey ku leedahay Gaza

Dad badan oo ku dhintay duqayn ka dhacday xarun Qaramada Midoobey ku leedahay Gaza

by Laacib

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in 22 qof ay ku dhinteen duqayn ay Israel maanta ka gaysatay xarun caafimaad oo ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Hay’adda ayaa waxay sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen xaruntaasi oo ku dhex taala xerada qaxootiga Jabalia, oo ah meel ay dadku aad ugu badan yihiin.

Afhayeen u hadlay hay’adda oo lagu magacaabo Mahmud Bassal ayaa sheegay in ay jiraan tobanaan qof oo kale oo ku dhaawacmay weerarkaasi.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in dhibaneyaasha ay ku jiraan dumar iyo carruur, sagaal ka mid ah dadka dhintayna ay carruur yihiin.

Xaruntan caafimaad ee la duqeeyay ayaa waxaa iska lahayd Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

UNRWA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqaynta lala beegsaday dabaqa koowaad ee dhismahaan, oo gabaad u ahaa 160 qoys oo sida ay sheegtay ku soo barakacay.

“Qoysas badan oo barakacayaal ah ayaan ka tagin goobta, maxaa yeelay ma haystaan gebi ahaanba meel kale oo ay aadaan.” Ayay UNRWA ku sheegtay bayaanka.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in goobta la beegsaday ay ahayd xarun ay ka hawlgasho Guutada Xamaas ee Jabalia, warkaas oo Xamaas ay si adag u beenisay.

UNRWA waxay sheegtay in dhismaha uu ahaa mid ay maamulayeen shaqaalaheeda, markii la duqaynayay maanta. Waxay kaloo sheegtay in dhinacyada oo Israel ku jirto ay horey ula wadaagtay in goobtaasi ay iyadu gacanta ku hayso.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in Arbacadan oo keliya ay duqaymaha Israel ku dhinteen 53 qof oo dad rayid ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin hooyooyin iyo dhallaan.

Israel ayaa 18-kii bishii March dib u soo cusbooneysiisay duqaymaheedii aan kala sooca lahayn ee Gaza, ka dib markii ay Xamaas ku eedeysay in ay diiday in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac.

Xamaas oo beenisay eedeyntaasi ayaa Israel ku eedeysay in ay iyadu jebisay heshiiskii asalka ahaa ee labada dhinac ay gaareen 15-kii bishii January, laguna saxiixay dalka Qatar.

Tan iyo markii Israel ay dib u soo cusbooneysiisay duqaymaheeda Gaza, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ayaa gaartay 1,100 Falastiiniyiin ah, taas oo wadarta guud ee dadka la dilay, tan iyo 7-dii October ee sanadkii 2023 ka dhigeysa 50,423 qof iyo dhaawaca 114,638 kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc