Home Wararka Caalamka Dad badan oo ku dhintay weerar ay Israel ku qaadday xaafad ay degan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan

Dad badan oo ku dhintay weerar ay Israel ku qaadday xaafad ay degan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa galabta weerar ka gaystay xaafad ay degan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan oo ku taala waqooyiga dalkaasi Lubnaan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen dhisme ku yaala xaafadda Aitou ee Degmada Zgharta.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay goobta ka qaadeen meydadka 18 qof oo dhammaantood dad rayid ahaa.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in laga yaabo in la beegsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbullah. Warbaahintu ma sheegin magaca Sarkaalka uu bartilmaameedku ahaa.

Warbaahinta Al Mayadeen ee taabacsan Ururka Xisbullah ayaa ku warantay in weerarka lagu dilay dad rayid ah.

Dhanka kale Militariga Israel ayaa maanta sheegay in weerar xagga cirka ah lagu dilay Sarkaal ka tirsan Xisbullah oo lagu magacaabo Muhammad Kamel Naim.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in lagu dilay duqayn ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen magaalada koonfurta Lubnaan ku taala ee Nabatieh. Xisbullah ma xaqiijin geerida ninkaasi.

Weerarka ka dhacay waqooyiga Lubnaan ayaa noqonayo kiisii ugu horreyay ee lagu bartilmaameedsado deegaan ay degan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan, ka dib sanad colaadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc