Home Dhacdooyin Dad fara-badan oo ku barakacay dagaalka Ciidanka Puntland iyo Daacish

Dad fara-badan oo ku barakacay dagaalka Ciidanka Puntland iyo Daacish

by Laacib

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in toban kun oo qoys ay ku barakaceen dagaalka ka soconaya Gobolka Puntland ee ay ciidamadeeda kula jiraan maleeshiyada Daacish.

Ciidamada ayaa maleeshiyada kula dagaalamaya dhul buuraley ah oo hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin, iyadoona inta badan barakacayaasha ay gaareen duleedyada Degmooyinka Balidhidin, Qandala iyo qaybo ka mid ah Iskushuban.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Puntland, Axmed Siciid Qaloombi ayaa sheegay in gacan ay kula dagaalamayaan argagixisada, gacanta kalena ay uga shaqeynayaan horumarka iyo gargaarka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in ay gobolka ka hirgeliyeen xarun ka shaqeysa gargaarka la gaarsiinayo qoysaska barakacayaasha, isagoo intaasi ku daray in gargaarkii ugu horreyay ay Arbacadii gaarsiiyeen dadka ku soo barakacay Balidhidin, haddana ay ku howlan yihiin, sidii wax looga qaban lahaa xaaladda barakacayaasha Qandala.

Wasiir Qaloombi ayaa Daacish ku eedeeyay in ay si khasab ah dadkaasi uga soo barakaciyeen guryahooda, isla-markaana ay u diideen inay deegaanadoodii ku noolaadaan.

“Horumarkii bay dadka halkaasi joogay ka hor istaageen, dowladnimadii bay ka hor istaageen, noloshii bay ka hor istaageen ugu dambayn inay ku noolaadaan deegaankoodii, waxna ku helaan.” Ayuu yiri Qaloombi.

Ciidanka Puntland ayaa bishii labaad dagaal ku haya Daacishta Somaliya, waana hawlgalka ciribtirka ee Daacish lagaga sifeynayo deegaanada Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa 4-tii bishan guda galay wejiga labaad ee hawlgalkooda, oo ay isugu fidinayaan galbeedka Buuraleyda Calmiskaad.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in hawlgalku uu yahay mid dhul iyo cirba leh.

Waa hawlgalkii ugu weynaa ee Puntland ku qaaddo mid ka mid ah garabyada hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc