40 qof oo dad rayid ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay duqaymo xoogan ka gaysatay dhismayaal la degan yahay.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraro xiriiro ah ku qaaday guryo ay degan yihiin qoysaska barakacayaasha oo ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA oo soo xiganeysa ilo caafimaad ayaa ku warantay in Khamiistan oo keliya ay duqaymaha Israel galaafteen nolosha 40 qof.
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa dhalleeceeyay dilka aan macnaha lahayn ee maalinba maalinta ka dambeysa ka sii socda Marinka Gaza.
Madaxa UNRWA ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dilka aan dhammaadka lahayn ee ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn.
Duulaanka Israel ee Gaza ayaa xiisad weyn ka abuuray Bariga Dhexe, waxaana laga digayaa isku dhac ballaaran oo gobolka ah.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell oo maanta booqasho ku tegay dalka Lubnaan ayaa sheegay in amniga Israel uu ku xiran yahay rabitaanka shacabka Falastiiniyiinta ay ku doonayaan inay yeeshaan dowlad xubin rasmi ah ka ah Qaramada Midoobey.
Borrell ayaa Beesha Caalamka ku booriyay inay riixaan in nabad buuxda laga dhaliyo Bariga Dhexe, isagoo intaasi ku daray inaanan xal loo heli doonin dhibaatooyinka gobolka, haddii aysan shaqeynin diblomaasiyadda, si loo joojiyo xiisadda sii kordheysa oo ka bilaabaneysa xabad joojinta Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada guud ee dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo bilowgii dagaalka ay gaartay 41,118 qof, halka dhaawacana ay ku sheegtay 95,125 qof.
Israel ayaa wajaheysa dacwad la xiriirta xasuuq ay ka gaysatay Marinka Gaza, oo kaga furan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ.