Home Wararka Caalamka Dad ku dhintay gantaal ay Xisbullah ku weerartay Israel

Dad ku dhintay gantaal ay Xisbullah ku weerartay Israel

by Laacib

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, toddobo kalena ay ku dhaawacantay weerar gantaal oo Xisbullah ay gelinkii dambe ee Jimcihii ka gaysatay deegaanka Majd Al-Krum oo 16km u jira Magaalada Acre.

Labada qof ee weerarka ku dhintay oo magacyadooda lagu kala sheegay Hassan Suad iyo Arjwan Manaa ayuu gantaalku ku dilay goob laga dukaameysto oo ku taala deegaankaasi, sida ay ku warantay Warbaahinta Israel.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegeysa in Arjwan Manaa oo 19 jir ahayd ay fadhisay maqalka ama khasnajiga goob ganacsi, halka Hassan Suad oo isna 21 jir ahaa uu ka mid ahaa macaamiishii halkaasi wax ka iibsaneysay.

Muuqaalada ay baahisay Warbaahinta gudaha ayaa muujinaya in gantaalka uu ku soo dhacay suuq yar, oo inta badan lagu iibiyo quutul daruuriga.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay goobta ka qaadeen dhaawacyada toddobo qof, kuwaa oo laba ka mid ah ay xaaladoodu garaab tahay.

“Laba kale ayay xaaladoodu dhexdhexaad tahay, saddexda kalena dhaawac fudud ayaa soo gaaray.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Adeegga MDA.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Xoogaga Xisbullah ay 30 gantaal ku soo weerareen aagga, in badan oo ka mid ahna ay soo rideen.

Militariga ayaa xalay war ay soo saareen ku sheegay in Jimcihii ay illaa 65 gantaal kaga soo dhaceen koonfurta dalka Lubnaan.

Isla Jimcihii, Militariga Israel ayaa qirtay in laga dilay shan askari, 19 kalena ay kaga dhaawacmeen dagaal ka dhacay xuduudda ay la wadaagaan Lubnaan.

Militariga ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in askarta qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dagaalka u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel ayaa waxaa muuqata in uu xoogeysanayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc