Home Wararka Caalamka Dad rayid ah oo ku dhintay duqaymaha Israel ka waddo Khan Yunis

Dad rayid ah oo ku dhintay duqaymaha Israel ka waddo Khan Yunis

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa duqaymo culus ka wada deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib amarkii ka soo baxay taliskooda ee ku aaddanaa in rayidku ay banneeyaan deegaankaasi.

Ciidamada Israel ayaa la sheegaya inay garaacayaan qaybo ka mid ah Khan Yunis, si rayidka ay ugu cadaadiyaan inay ka baxaan deegaankaasi.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegaya in ku dhawaad toban qof oo dad shacab ah ay ku dhinteen duqaymaha, soddon kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay beegsanayaan kaabeyaasha militari ee ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku leeyihiin deegaankaasi.

Dadka rayidka ah oo isku dayaya in ay ka baxsadaan duqaymahaasi ayaa ka cararaya guryahooda.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in ciidamadu ay isku diyaarinayaan inay dib ugu laabtaan deegaankaasi, oo ay soo banneeyeen 8-dii bishii April, ka dib dhowr bilood oo hawlgal ay ka wadeen.

Taliska Militariga Israel ayaa Isniintii sheegay in gantaalo laga soo tuuray deegaankaasi lagu soo weeraray gudaha Israel, ciidamaduna ay ka jawaabayaan.

Taliska ayaa dadka rayidka ah ku wargeliyay inay taggaan deegaanka Al-Mawasi, oo aan sidaasi uga fogeyn Khan Yunis.

Ciidamada Israel ayaa wejigii 1aad ee hawlgalka si xun ugu burburiyay xaafadaha Khan Yunis.

Khan Yunis ayaa hadda la ciirciireysay qaar ka mid ah 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah, oo Ciidamada Israel ay billihii May iyo June ka soo barakaciyeen deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Israel ayaa u awr kacsaneysa gumaad kale oo ciidamadeeda ay ka gaystaan Marinka Gaza.

Sagaalkii bilood ee ay ciidamadeedu gudaha ugu jireen Marinka Gaza ayaa inta la xaqiijiyay waxay dileen 37,925 qof oo rayid ah, halka 87,141 kalena ay dhaawaceen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc