Home Wararka Maanta Dad siyaabooyin kala duwan loogu dilay gudaha Muqdisho

Dad siyaabooyin kala duwan loogu dilay gudaha Muqdisho

by Laacib

Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Gobolka Banaadir ayaa galabta darawal mooto bajaaj ku dilay Suuq Bacaad, oo ah Suuqa Labaad ee Muqdisho ugu weyn.

Ciidamo kale oo goobta uu dilku ka dhacay soo saaray ayaa kaxeeyay askarigaasi, umana muuqan kuwo xiraya askarigaasi. Ciidamadan ayaa sidoo kale goobta uga tagey meydka bajaajlihii la dilay oo saaran mooto bajaajtii uu darawalka ka ahaa.

Dadweyne ka carreysan dhacdadaasi ayaa dibadbax ay kaga dhiidhinayaan dilka ninkaasi dhallinyarada ah ka dhigay Isgoyska Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid.

Ciidamo boolis ah oo goobta gaaray ayaa la sheegay in ay isku dhaceen dadkii dibadbaxa dhigayay. Dadweynaha ayaa burburiyay, isla-markaana dab qabadsiiyay gaari ay boolisku leeyihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaarigaasi ay leeyihiin Ciidanka Taraafikada, isla-markaana uu halkaasi uga tagey askarigii wax dilay.

Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Saldhigyada Booliska ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis ayaa halkaasi loogu diray, si loo dejiyo xaaladda, loona kala eryo dadkii isugu soo baxay.

Xaaladda ayaa waxaa uga sii daray, markii ciidamadu ay bilaabeen inay rasaas ku kala eryaan dadkaasi, balse ay dadka qaarkood kaga jawaabayeen dhegxaan ay ku tuurayeen ciidamada. Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la soo qabtay askarigii dilka gaystay, si degdeg ahna loo horgayn doono sharciga.

Dhanka kale askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in maanta uu afar qof ku toogtay xaafadda Soona-key ee Degmada Hodan, ka dib markii uu rasaas ku furay dad ka cabanayay in dhul boob lagu hayo.

Mid ka mid ah afartaasi qof oo gabar 14 jir ahayd ayaa u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray rasaastaasi.

Askarigan ayaa la sheegaya in uu ka tirsan yahay boolis uu Maamulka Degmada Hodan geeyay inay ilaaliyaan dhul dhawaan laga raray qoysaskii deganaa.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa muddo dheer ku lug lahaa dilka dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc