Home Dhacdooyin Dadka Gaza oo burbur weyn ku arkay Netzarim (SAWIRRO)

Dadka Gaza oo burbur weyn ku arkay Netzarim (SAWIRRO)

by Laacib

Shacabka Falastiin ee ku nool Marinka Gaza ayaa hadda awood buuxda u leh inay si ah caadi ah u maraan Isgoyska Netzarim, ka dib markii Ciidamada Israel ay Axaddii isaga baxeen.

Ka bixitaanka Ciidamada Israel ee Netzarim ayaa meesha ka saareysa qodax wax ka badan hal sano ku taagneyd dadka reer Gaza.

Ciidamada Israel ayaan isaga bixin Netzarim, balse waxay ku timid heshiiskii xabad joojinta Gaza ee Xamaas iyo Israel ay 15-kii bishii January ku gaareen dalka Qatar.

Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta oo soconaya 42 maalmood ayaa qeexaya in maalinta 22aad ee dhaqangelintiisa ay tahay in Ciidamada Israel ay banneeyaan saldhiggaasi.

Saldhiggan ayay Ciidamada Israel ku xanibayeen isu socodka shacabka ee waqooyiga iyo koonfurta Marinka Gaza.

Dadka reer Gaza ayaa ugu yeeri jiray Netzarim dariiqa dhimashada. Tan iyo markii Ciidamada Israel ay halkaasi qabsadeen waxay Falastiiniyiinta ka mamnuuceen inay hore iyo dib ugu socdaan. Ciidamada ayaa marar badan halkaasi ku dilay dad rayid ah oo laga soo barakaciyay waqooyiga Gaza, laguna khasbay inay koonfurta iyo bartamaha taggaan.

Marinka Netzarim oo cabirkiisu uu 6km yahay ayaa kala qaybiya koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, waana waddada halbowlaha u ah isu socodka labada qaybood.

Militariga Israel ayaa Netzarim ka dhigtay goob militari, muddadii uu socday dagaalka, iyagoona ka sameystay jidgooyo ay dadka ku dhibaan.

Militariga ayaa burburiyay guryihii halkaasi ku yiilay, waxayna jiho kasta ay dhigeen taangiyadooda dagaalka.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa hadda dareemaya inay waddadu tahay mid ammaan ah, iyaga oo si xor ah hore iyo gadaal ugu soconaya.

Shacab fara-badan ayaa gaadiid iyo lugba ku maray waddada, si ay u taggaan guryahooda waqooyiga Gaza.

Dad kale oo waqooyiga ka yimid, una socda dhinaca koonfurta ayaa la arkayay, iyagoo si carqalad la’aan ah u maraya waddada.

Shacabka guryahoodii Netzarim ee la burburiyay ayaa iyana markii ugu horreysay si caadi ah u soo eegaya goobihii ay ku yaalleen.

Dad badan ayaa ku soo noqday goobta, iyadoo ay guryahoodu dambas noqdeen, waxayse ballanqaadeen in ay si dhakhsa ah dib ugu dhisan doonaan.

Dad kale oo alaabahoodii baabuur ku soo qaatay ayaa halkaasi yimid, guryahoodii oo wax yar uun ay ka taagan yihiin, kuwo kalena waxay la kulmeen guryahoodii oo dhegxaan iyo qashin isu bedelay.

Muuqaalada Netzarim laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur weyn oo Ciidamada Israel ay halkaasi uga taggeen.

Netzarim ayaa ku fidsan xadka Marinka Gaza iyo Israel, illaa Badda Mediterranean-ka.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc