Home Dhacdooyin Dadka Gaza oo dhexda uga jira dhibaato oo dhan

Dadka Gaza oo dhexda uga jira dhibaato oo dhan

by Laacib

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa ka digtay in Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ay khatar ugu jiraan xaalad la yiraahdo Hypothermia, oo ah qabow daran.

Wasaaradda ayaa sheegtay si gaar ah carruurta iyo kuwa cusub ee dhalanaya ay khatar ugu jiraan inay ku dhintaan qabowga jiilaalka.

“Dhibaatada ugu daran waxay ku dhaceysaa carruurta yaryar ee ku nool xeryaha barakacayaasha iyo kuwa kale ee ku dhalanaya xeryahaasi.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Ugu yaraan lix carruur ah iyo qof kale ayaa hadda Gaza ugu dhintay qabowga.”

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sidoo kale soo saaray warbixin lagu sheegayo “Dadkan ayaa qabowga ugu dhintay guryahooda teendhooyinka ka sameysan ee ay degan yihiin barakacayaasha.”

Ku dhawaad hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo guryahooda laga soo barakaciyay ayaa hadda ku nool teendhooyinka iyo guryaha cooshadaha ka sameysan ee ku yaala dhulka xeebta iyo aagga goobta bani’aadantinimada loo asteeyay ee deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza, halkaasoo qabowga ugu daran uu ka dhaco xilligan oo kale.

Digniinta saadaasha hawada ayaa muujineysa in maalmaha soo socda uu kordhi doono qabowga xilliga jiilaalka ee Gaza. Tani ayaa uga sii dareysa dhibaatooyinkii ay muddooyinkanba la noolaayeen dadka reer Gaza ee leh cunto xumada, biyo la’aanta, shidaalka, sahayda dawada iyo agabka kale ee muhiimka ah ee laga hortaagan yahay in ay helaan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digay in dhallaanka iyo dadka da’da ah ee ku nool Gaza ay halis ugu jiraan inay u dhintaan diirimaadka sii yaraanaya, qabowga kordhaya iyo dhaxanta daran ee habeenkii.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa xoojiyay in qabowga sii kordhaya uu sii xumeynayo xaaladdii liidatay ee ay dadku ku noolaayeen.

Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay in qoysaska barakacayaasha ay wajahayaan hoy la’aan iyo agab ku filan oo aysan haysan.

Lazzarini ayaa xusay in weli aan ogolaansho la siinin gelitaanka agabyada lagama maarmaanka ah ee Gaza, oo ay ku jiraan buu yiri bustayaasha iyo alaabaha kale oo aan looga maarmi karin xilliga qaboobaha.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka dardaar warinaya in dadka rayidka ah aysan haysan dharka dhaxanta oo jaakadaha ay ku jiraan, loona baahan yahay in Israel ay qaaddo go’doominteeda guud ee Gaza amaba ay dabciso. Cimilada qabow iyo roobabka ka da’aya Gaza ayaa ah caqabad kale oo ku soo korortay dadka reer Gaza, oo 15 bilood wajahayay weerarada cadowtinimada ee Israel iyo go’doominta guud ee ay ku hayso.

Daadadka roobabka ayaa meelaha qaarkood qaaday guryihii ku-meel-gaarka ee ay barakacayaashu deganaayeen, ka dib markii dadkaasi ay deegaan ka sameysteen kaabeyaasha ku teedsan marinada biyaha.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka marin nabdoon oo gargaarka iyo sahayda kale loo sii marsiin karo dadka rayidka ah.

Dadka reer Gaza ayaa si weyn ugu tiirsan kaalmada bani’aadantinimo ee hay’adaha caalamiga ah, haddana waxaad arkaysaa in Israel ay xanibeyso.

Qabowga jiilaalka ee Gaza ayaa sii socon doono billaha ina soo aaddan, iyadoo billaha December, January, February iyo March ay yihiin kuwa ugu qabow ee dhulkaas, marka loo eego cimilada Gaza.

Dadka Gaza ayuu sanadkan cusub ugu soo galay, iyadoo ay dhexda kaga jiraan xaaladdii ugu adkeyd.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc