Boqolaal qof oo Lubnaaniyiin ah ayaa gaaray dalka Turkiga, iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan duqaymaha xargaha goostay ee ay Israel ka gaysneyso dalkaasi Lubnaan.
Qaybtii afaraad oo dooni ka raacday magaalada waqooyiga Lubnaan ku taala ee Tripoli ayay gelinkii dambe ee Axaddii ay doonidoodii ku xiratay Dekedda Tasucu ee koonfurta Turkiga.
Wararka ayaa sheegaya in 358 qof oo la socday doonidaasi ay ka mid noqonayaan 1,360 qof oo dhowr cisho gudahood doomo ku gaaray xeebaha koonfureed ee Turkiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkan ugu dambeeyay ee gaaray Turkiga ay ku jiraan dad Turkish ah iyo dad dalal kale u dhashay.
Dad badan oo reer Lubnaan ah iyo ajaaniibta ku go’doonsan waqooyiga dalkaasi ayaa isku dayaya in ay adeegsadaan marin badeedkan, si ay uga nabad galaan duqaymaha sii kordhaya ee Israel ka waddo dalkaasi.
Weerarada ay Israel ku ballaarisay dalka oo dhan ayaa abuuray walaac amni, waxayna taasi dad badan ku riixday inay doortaan safarada badda, ka dib markii ay colaaddu kaliftay inay joogsadaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalkaasi tagi jiray.
Colaadda ku fidday waqooyiga, koonfurta iyo xuduudda koonfureed ee Lubnaan ayaa keentay in shirkadaha diyaaradaha ay is tusaan mid aan suurtagal ahayn in xilligan la tago dalkaasi, sababo dhinaca ammaanka ah.
Shirkadaha duulimaadyada rayidka ayaa ahmiyad badan siiya ilaalinta badqabka rakaabka iyo shaqaalahooda.
Joojinta tirada badan ee duulimaadyada colaadda awgeed waa asbaabta ugu weyn ee dadka ladan ee reer Lubnaan iyo ajaaniibtuba ay ugu xaniban yihiin dalkaasi. Dadkan ayaa isku dayaya in ay adeegsadaan marino kasta iyo si walba oo dalka ay uga bixi karaan.